U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu Sunnah oo taageeray shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Sarkaal u hadlay maamulka Ahlu Sunnah Waljamaaca ee koofurta dalka ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen mowqifkoodii ahaa in ay mucaaradsanyihiin maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Afhayeenka Ahlu Sunnah Waljamaaca Shiikh Maxamed Isaaq Al-qaadi ayaa carabka ku dhuftay in ay ka qayb galayaan shirka gogashiisu ay taallo magaalada Kismaayo ee lagu heshiisiinayo beelaha wada dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Afhayeenkan ayaa sheegay in muddo badan ay ka biyo diidsanaayeen maamulkan hase ahaatee hada ay qaateen ka shaqaynta nabada goboladaasi.

Hoos ka dhageyso codka Shiikh Maxamed Isaq Al-qaadi: