U bood dhigaalka

Rag hubeysan oo weeraray qaar ka tirsan xoolo dhaqatada gobolka Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa dhaawac u geystay mid ka mid ah xoolo dhaqatada ku dhaqan deegaanada hoos yimaada degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Geedo-barkaan ee duuleedka dhanka bari ee Jowhar halkaas oo sanadkii la soo dhaafay uu ka dhacay dagaal beeleed u dhaxeeyay labo maleeshiyo.

Ruuxa dhaawaca kooxaha hubeysan ay u geysteen ayaa la dhigay Isbitaalka degmada Jowhar halkaas oo lagu dabiibayo xaaladiisa.

Ehelka qofkan oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in haatan xaaladdiisu ay soo hagaagayso.

Isku dhacyada salka ku haya is qabqabsiga la xiriira dhul daaqsimeedka ayaa ku soo badanaya qaar ka tirsan gobolada koofureed ee dalka.