U bood dhigaalka

Booliska Uganda oo qabtay baabuur ay ku jiraan walxaha qarxa

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl galkii ciidanka booliiska dalka Uganda ay ka sameeyeen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda sabtidii aan soo dhaafnay iyada oo la sheegayo in ciidamada ka hortaga waxa loogu yeero argagixisada ay gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

17 Septemper ,2014 Wargeyska The New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan booliiska dalkaas ayaa sheegay in gaarigaan ciidamada ay qabteen xilli waxyaabaha qarxa oo aad u badan ay ka buuxeen.

Nooca gaariga ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay TOYOTO NOAH oo lahaa Taariko Nambar laga leeyahay dalka Koonfurta Sudan lagu qabtay xaafadda Mengo Kisenyi ee magaalada Kampala sabtidii aan soo dhaafnay.

Faahfaahinta gaarigaasi la qabtay ayaa la shaaciyey shalay iyadoo ay ciiddanka ku taqasusay waxyaabaha qarxa kala furfureen miinada lagu soo rakibay gaarigaasi noociisu ahaa TOYOTO NOAH.

Booliiska Kampala ayaan ilaa hada faah faahin rasmi ah ka bixin gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ee magaaladaasi ay ku qabteen, inkastoo booliiska maalintii Axada ay soo bandhigeen rag iyo waxyaabaha qarxa oo ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen Xaafada Soomaalida ay degto ee dalka Uganda.

Safaarada Mareykanka ee dalka Uganda ayaa horay digniin uga bixisay in ay suura gal tahay weeraro ay geystaan xarakada Al-Shabaab kadib dilkii loo geystay hogaamiyahoodii.

Booliska Uganda ayaa bilowgii todobaadkan magaalada Kampala ku xiray soomaali ku dhow 20 ruux oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab