U bood dhigaalka

Qaramada midoobey oo soo dhoweysay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka

Sheeko:Dalka

Ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serour ayaa soo dhowaysay shirka  dib u heshiisiinta  dadka dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee ka bilowday Kismayo.

Shirka oo uu shalay madaxwayne  Xasan Sheekh Maxamud u furay si rasmi ah ayaa lagu wadaa in lagu horumariyo guuliyii ka dhashay heshiiskii lagu saxiixay Addis Ababa bishii Agoosto 2013 iyo heshiiskii lagu saxiixay shirkii dib u heshiisinta Jubba saxiixaas oo ka dhacay Muqdisho bishii November 2013.

“Dadka iyo madaxda maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba waxay si cad u doonayaan nabad, shirkan dib-u heshiisiintuna wuxuu ka turjumayaa rabitaankaas,” ayay tiri ku xigeenka ergayga gaarka ah Fatiha, furitaankii shirka.

“ Waxaan ku guubaabinayaa dhammaan ka qayb galayaasha shirka in ay abuuraan jawi u suurta gelinaya shirka in ay ka soo baxaan  qaraaro ay u wada dhanyihiin dhamaan dadka ay arrintu khusayso- sida haweenka,  dhalinyarada,  odayaasha dhaqanka, ayada oo aan loo eegaynin sida ay tahay xaladooda  bulsho amaba dhaqaale waana in ay  ka qayb qaataan habka nabad soo celinta iyo qaran dhiska guud ee  ummadda Soomaaliya.

“Habkan dibu heshiisiinta ahi wuxuu  kale oo uu muhiim u yahay sidii maamulka ku- meelgaarka ah ee Jubba  uu u samaysan lahaa qorsho-howleed uu kor ugu qaadayo wacyigiisa ama awoodiisa  wax qabad- waxaana loo baahan yahay in la gaaro guulo wax tar leh si horay loogu mariyo habka maamul dhisidda” ayay tiri.

Fatiha Serour waxay u mahad celisay dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Hogaamiyaha maamulka ku meel-gaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Madobe  iyo maamulkiisa iyo dadka kale ee  ka socday bulshada caalamka sida urur goboleedka IGAD, Japan,  ururka midowga Yurub,  Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo suurta geliyay in uu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta iyo taageerida ay taageerayaan himilooyinka dadka Soomaaliyeed  ee ku aadan  nabad samaynta.