U bood dhigaalka

Maamulka degmada Kurtun-waareey oo sheegay in ay ku sii jeedaan deegaano hor leh

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kuntur-waareey ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay qorsheynayaan in ay xarakada Al-shabaab ka saaraan deegaanada u dhow dhow degmadaasi.

Wararka laga helayo degmadaasi ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan dadaallo ay ku xaqiijinayaan amniga degmada Kurtun-waareey iyo hareeraheeda.

Guddoomiyaha Kuntur-waareey C/raxmaan Sabtow Daahir ayaa tilmaamay in ay howl gallo ka wadaan tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi si ay u xaqiijiyaan ammaanka.

Waxa uu tilmaamay in howl galladan looga gol leeyahay sidii xarakada Al-shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga suganyihiin deegaanadaasi u dhow dhow Kuntur-waareey.

Degmada Kuntur-waareey ayaa ka mid degmooyinkii u dambeeyay oo ay ciidamada huwanta la wraeegeen.