U bood dhigaalka

Finland oo qabatay soomaali lala xiriiriyay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Xeer ilaalinta guud ee dalka Finland ayaa ku eedeysay afar qof oo soomaali ah maal gelinta argagixisada iyo in ay lacago u uruurinayeen dhaq-dhaqaaqa xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ee xiriirka la leh ururka Al-qaacida.

Xeer ilaaaliyaha guud ee degmada Elina Hypponen ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee “Associated Press” in tani ay tahay markii ugu horeysay oo wadanka Finland laga helo eedeeysanayaal  lala xiriiinayo aragixiso.
Waxay tilmaantay Elina in eedaysanayaashu ay kumanaan kun oo Eurou ururinayeen in lagu maal geliyo dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab intii u dhaxeysay sanadihii 2008-2011.
Mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu askareynta dadka u qaabilsan Al-Shabaab oo dooneysa in Soomaaliyaay ka abuuro dowlad Islaami ah.
Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaantay in eedaysanayaashu ay iska fogeeyeen dhammaanba waxyaabaha lagu soo eedeeyay waxaana ay sidoo kale sheegtay in haddii lagu helo eedaha loo haysto ay la kulmi  karaan ilaa sideed sano oo xabsi ah.