U bood dhigaalka

Ku dhowaad 10 qof oo ku dhaawacantay shil ka dhacay degmada Matabaan

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay todobo ruux ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ay heleyso Goobjoog FM ayaa sheegaya in gaarigan oo siday dad rakaab ah kana ambabaxay degmada Balad weyne uu ku rogmaday meel dhowr iyo toban Kiiloo Mitir u jirta degmada Matabaan.

Wariyaha Goobjoog FM ee gobolka Hiiraan Shukri Xuseen Sabriye oo la xiriirtay agaasimaha isbitaalka magaalada Balad weyne oo dhaawacyada la gaarsiiyay ayaa tilmaamtay in dadka dhaawacmay ay isugu jiraan kuwo dhaawacooda uu fudud yahay iyo qaar daran.

Shilalka ka dhaca wadooyinka xiriiriya gobolada dalka ayaa loo aaneeyaa bur bur ku yimid jidadka lagu safro iyo taxadar la’aanta wadayaasha gawaarida.