U bood dhigaalka

Ururada indhoolayaasha Soomaaliyeed oo midoobay

Sheeko:Dalka

Xubno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad ay ku midoobeen ururo ay leeyihiin indhoolayaasha Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay magaalada Muqisho.

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadaasi xubno kala duwan oo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya , hey’adaha sama falka iyo aqoonyahano kala duwan oo gacan siiya indhoolayaasha Soomaaliyeed.

Ururada midoobey oo kala ahaa ururka midowga indhoolayaasha Soomaaliyeed iyo ururka indhoolayaasha Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano SAB ayaa la sheegay in ay ku mideysan yihiin in badan oo ka mid ah indhoolayaasha Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa mudanayaashii ka qeyb galay xaflada ayaa xusay in meesha saxda ah ee wax laga arko ay tahay qalbiga, isla markaana ay indhoolayaasha soomaaliyeed ku sifeysan yihiin quluub nuureysa bulshadoodana wax la wadaagi kara.

Dalxa ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sama falka in ay fursad siiyaan bulshada indhoolayaasha Soomaaliyeed ee aqoonta leh, kuwa tabaaleysanna u gargaaraan.