U bood dhigaalka

Kay: Ma ahan in lagu deg dego ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay

Qaramada midoobey ayaa sheegtay in uusan jirin waqti cayiman oo loogu tala galay in ciidamada AMISOM ay ka baxaan dalka Soomaaliya.

Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Nicolas Key oo la hadlay BBC-da Qeybta la hadasha Afrika ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin xilli gaar ah oo loogu tala galay in ay Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM isaga oo tilmaamay in ciidamadaasi ay guulo badan ka gaareen howl galka ay ka wadaan Soomaaliya.

Kay ayaa mar la weydiiyay meeshii ay ku dambeysay lacagihii lagu ballan qaaday dilka hogaamiyihii Al-shabaab ayaa sheegay in uusan wax war ah ka hayn arinkaas.

“Ma jiro waqti cayiman oo aan kuu sheegi karo oo ay ciidamada AMISOM uga bixi karaan Soomaaliya waxayna ku xiran tahay guusha laga gaaro Al-shabab iyo weliba xasilinta dalka laakiin waxaan is leeyahay ma aha in lagu deg dego bixitaanka ciidamada AMISOM waxayna noqoneysaa arin laga soo hor mariyey waqtigii loogu talagay.” ayuu yiri Kay mar la weydiiyay xilliga ay baxayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Qaramada midoobey ayaa taageero buuxda siisa howl galka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).