U bood dhigaalka

Maamulka KMG Jubba oo sheegay in maqnaanshaha Bare Hiiraale uu saameyn ku yeelan doonin shirka dib u heshiisinta

Sheeko:Dalka

Maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in shirka dib u heshiisinta ee ka socda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose wax saamayn ah ku yeelan doonin ka maqnaanshaha Bare Hiiraale oo qaadacay ka qayb galka shirkaasi

Hadalkan waxa sheegay Wasiirka   Maamulkaasi u qaabilsan Warfaafinta Maxamed Ibraahin Baajuun.

Wasiirkan waxa uu sheegay in shirkan uu noqon doona mid mira dhala isla markaana laga gaari doono ujeedkii laga lahaa.

Dhanka Kale, Siyaasiin ayaa ku sii qul qulaya Magaalada Garbaaharay ee Gobolka Gedo kuwaas oo ka qayb galaya shir lagu wado in uu ka furmo Magaaladaas,kaas oo looga hadli doono shirka Kismaaayo.

Siyaasi , Maxamed Aadan oo ka mid ah dhinacyada ku hawlan qaban qabada Shirkan ayaa sheegay in Magaalada Garbaharey ay soo gaareen ergada ugu badnayd , ee ka qayb gali lahaa shirkan.

Waxa uu sheegay in shirkan ay qaban qaabadiisa soo socoto mudo dheer labatanka bishana uu ka furmi doono Magaalada Garbaharey.