U bood dhigaalka

Shirkad laga leeyahay Turkiga oo lagu wareejiyay maamulka dekeda Muqdisho

Sheeko:Dalka

[huge_it_slider id=”63″]

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay hawsha dekada Magaalada Muqdisho.

Munaasabadii howsha dekada shirkadan ay kula wareegaysay waxaa ku sugnaa xubno ka socday xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkada Al-bayrak ayaa maanta gebi ahaan la wareegtay maamulka dekeda Muqdisho.

Axmed Saalim oo ah madaxa shirkada Al-bayrak ayaa xusay in  lacagta ugu badan ee ka soo baxda dekadda ay heli doono dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay ku qarash gareyn doonaan dhismaha dekeda lacag gaareysa 80 Milyan oo doollar.

Safiirka u fadhiya dalka Turkiga Baker ayaa ku sugnaa halka munaasabadani maanta ay ka dhacday.

Wasiirka dekadaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Macalin Amiin oo hadal ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in hada albaab cusub oo xaga ganacsiga uu u furmay labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xukuumada Soomaaliya ayaa hore ugu wareejisay shirkadda Favori maamulida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee isla magaalada Muqdisho.

Shirkada Albayrak oo la asaasay sannadii 1952 ayaa waxaa ay fulisay dhismaha mashaariic dhowr ah, kuwaas oo ay ka muuqato farsamo iyo bilic aad u wanaagsan.

Shirkadda ayaa sannadii 2010 bilowday iney ka howl-gasho adeegyada logistikada iyo gaadiidka.

Mashaariic isugu jira guriyeyn, isgaarsiinta wadooyinka, iyo dhismaha xaruumo shirkadeed iyo kuwa caafimaad ayey ku guuleystay shikada Albayrak iney ka dhisto dalka Turkiga.

Shirkadu waxey 2001 soo gabagabeysay dhismaha wadada tareenka dheereeya ee dhulka hoos mara, waxaana tayada wadadaasi xaqiijisay shirkada tayya dhowrka caalamiga ah ee ISO.