U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo baaq u dirtay milkiileyaasha guryaha ku burbursan wadooyinka muhiimka ah

Sheeko:Dalka

Wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday milkiileyaasha guryaha burbursan ee ku yaalla caasimada in ay dhistaan guryahooda oo ay ku sheegtay kuwo wax u dhimaya bilicda magaalada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay arintaasi isaga oo tilmaamay in wasaaradu ay wado qorshe dib loogu soo celinayo bilicdii magalada sidaaasi darteedna aan loo dulqaadaneyn dhismayaasha burbursan ee magaalada ku yaalla.

Waxa uu tilmaamay wasiir ku xigeenka in wasaaradu ay diyaar u tahay in loo dhiso dadka aan awoodin dhismaha guryohooda hadii ay iyagu hormuud u noqdaan dhismaha guryahaasi.

Qaar ka tirsan guryo aan la dayac tiring qaarkoodna ay banaanyihiin ayaa ku yaalla hareeraha wadooyinka ugu mashquulka badan gudaha Muqdisho, dadka qaar ayaa sheega in shaqsiyaadka iska leh guryahaas aysan ku sugneyn dalka.