U bood dhigaalka

Rad lagu eedeeyay dilka haweeney oo lagu qabtay degmada Dayniile (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro la tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen dil dhowaan haweeney loogu geystay degmadaasi.

Axmed Nuur Axmed oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka degmadaasi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal dheer u galeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa rag uu sheegay in ay aqbaartooda heleen oo uu sheegay in ay ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab oo ay falal amaan daro ka wadaan xaafadaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Waxa uu xusay in ciidamadu ay u suura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ilaa 6 dhalinyaro ah oo uu shaaciyay in ay ku jiraan rag uu sheegay in ay ka dambeeyeen dil koox hubeysan ay haweeney dhowaan ugu geysteen xaafada Gubta, degmada dayniile ee Muqdisho.

Ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska dowladda ayaa sidoo kale walxa qarxa ka soo qabtay gudaha degmada Dayniile.

Hoos ka dhageyso codka Axmed Nuur Axmed: