U bood dhigaalka

Madoobe Nuunow: maamulka saddexda gobol caqabad ayuu nagu yahay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Madoobe Nuunow oo sheegtay in uu madaxwayne u yahay maamulka koonfur galbeed ee lixda gobol ayaa shaaciyay in masuuliyiinta maamulka koofur galbeed ee saddexda gobol ay doonayaan baabi’inta maamulkaasi.

Waxa uu sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo in ay jiraan rag uu tilmaamay in ay isu kaashanayaan hor istaaga maamulka dadku ay sameysteen sida uu hadalka u dhigay ee koofur galbeed Soomaaliya kuwaasi oo uu ku sheegay in ay caqabad ku yihiin rabitaanka shacabka goboladaasi.

Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa xusay in aysan ogolaan doonin in la hor istaago rabitaanka shacabka gobolada lixda ah ee loo sameeyay maamulkaasi oo uu tilmaamay in ay si loo dhanyahay u sameysteen shacabka degan goboladaasi isaga oo ku baaqay in laga gudbo caqabadaha uu sheegay in lagu doonayo hor istaaga maamulkaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsatay maamulka koofur galbeed ee saddexda gobol ka kooban.

Hoos ka dhageyso codka madoobe Nuunow: