U bood dhigaalka

Cabdi Qeybdiid: Waan ka qaadnay xayiraada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in ay xayiraada ka qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo maalmihii u dambeeyay xirnaa.

Waxa uu xusay in Galmudug ay diyaar u tahay wada hadalka ay ku baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Qeybdiid ayaa tilmaamay in uu shaqeynayo garoonka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo kaas oo maanta ay ka dagayeen diyaarado kala duwan.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in diyaarado ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka degayeen garoonka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.Waxa uu tilmaamay in shacabka ay ugu baaqayaan in ay nabadda ka wada shaqeeyaan.

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa isku khilaafay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo iyo mid cusub oo maamulka Galmudug ka sameystay koofurta Gaalkacyo.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ugu baaqay labada maamul in ay wada hadal ku dhameeyaan  xiisada u dhaxeysa.

Hoos ka dhageyso codka Qeybdiid: