U bood dhigaalka

Ergo isugu jirta xildhibaano iyo wax garad oo maanta gaaray Garbahaarey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Ergeda Garbahaarey
Qaar ka tirsan ergedii gaartay Garbahaarey

Wafdi ballaaran ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey si ay halkaas uga qeyb galaan shir halkaasi ka dhacaya.

Waxaa wafdigan hogaaminayay Xildhibaan Cabdinaasir Maxamed “Gar-jeex” iyo xubno kale oo isugu jira ganacsato iyo aqoonyahanno ka soo jeeda gobolka Gedo, waxaana maalmaha soo socda halkaas ka furmaya shir wadatashi ah oo bulshada ku dhaqan gobolkaasi ay isugu imaan doonaan gudaha magaaalada Garbahaarey.

Wafdiga ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka Garbahaarey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta gobolka Gedo, waxaana ay sidoo kale ka qeyb galeen munaasabad roob-doon ahayd oo ALLE looga baryayay roob, maadaama gobolka ay ka jirto xilligani abaar ka dhalatay roobkii gu-ga oo xiligiisii aan di’in.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe oo kulankaas ka hadlay ayaa ku soo dhoweeyay xildhibaannada iyo wax garadka soo gaaray degmada Garbahaarey, isaga oo uga waramay xaalada abaareed iyo tan nololeed ee ka jirta deegaannada hoos taga degmada Garbahaareey.

Garbahaarey ayaa marti gelineysa  shir lagu midaynayo dadka wada gobolkaasi, kaasi oo ka qeyb galayaan waxgarad, aqoonyahanno, Culimada, iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolkaasi, si ay uga wada hadlaan wax ka qabashada xaaladaha abaareed ee gobolka ka jirta.

Hoos ka dhageyso codka afhayeenka shirka wadatashiga Gedo Cabdi Shire Jaamac Ciyaar-jecel oo faahfaahinaya wafdiga gaaray Garbahaarey: