U bood dhigaalka

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo digniin culus u dirtay askarta dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la dili doono askarigii la soo qabtaa isaga oo dadka shacabka ah dhibaato u geysanaya.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa mar uu warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho xusay in aysan jiri doonin askari shacab dhibaato u geystay oo cadaalada ka baxsada.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale uga digay dadka aan ka mid ahayn ciidamada qalabka sida islamarkaana hubka qaata isla ee shacabka dhiba.

Hadalka masuulkan ayaa ku soo beegmay xilli shalay Maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukunno dil ah ku riday todobo qof oo shan ka mid ah ay yihiin ciidamada dowladda kuwaas oo lagu soo qabtay iyaga oo dhac u geysanaya gaari rakaab ah.

Maxkamada ayaa tilmaamtay in eedeysanayaasha ay racfaan ka qaadan karaan xukunka.

Hoos ka dhageyso codka Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute: