U bood dhigaalka

Rag hubeysan oo mu'adin ku dilay magaalada Beledweyne

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa xalay gudaha magaalada Beledwayne ku dilay mu’adinka masjid ku yaalla magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in mu’adinkan oo ku sii jeeda masjidka ka hor salaada cishaha ay soo weerareen saddex dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysan kuwaasi oo rasaas ku furay sheekhaasi.

Lama xaqiijin cida ka dambeysa dilka mu’adinka xalay lagu dilay magaalada Beledweyne.

Dhawaan waxaa rag hubeysan ay ku dileen magaalada Beledweyne macalin caan ahaa oo wax ka dhigayay iskuul ku yaalla magaaladaasi.

Ma jirto cid sheegatay dilka loo geystay mu’adinkan.