U bood dhigaalka

Culimada Puntland oo dhexdhexaadineysa muranka Puntland iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Culimaa’udiin kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay dhex dhexaadinayaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo xiisado colaadeed ay ka dhex jiraan.

Sheekh Muqtaar Cabdi oo ka mid ah culimaa’udiinkii ka qeyb galay kulanka ayaa Goobjoog FM u sheegay in culimadu ay kulanka kaga hadleen kaalinta ay ku leeyihiin dhexdhexaadinta dhinacyada hubeysan ee wada degan magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay in ay sameeyeen guddiyo ka kooban mashaa’ikh caan ah oo ka kala socoda labada dhinac ee xiisadu ka dhex jirto kuwsaasi oo dhowaan la kulmaya dhinacyada kala hogaaminaya maamullada Puntland iyo Galmudug iyagoo kala hadli doona dejinta xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo .

Galmudug iyo Puntland ayaa isku maan dhaafsan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo imika shaqdiisa dib ay u soo noqotay.

Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in uu xayiraada ka qaaday garoonka Gaalkacyo o ku dhowaad todobaad xirnaa.

Maamulka Puntland ayaa iyana dhankooda tilmaamay in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la yeeshaan Galmudug.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh ayaa ugu baaqay Puntland iyo Galmudug in ay si nabdoon ku xaliyaan xiisada isla markaana guddi u xil saaray dejinta muranka labada maamul.