U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo dib u celisay muwaadiniin laga soo tarxiilay Norway

Sheeko:Dalka
Cabdullaahi Gaafow  Maxamuud
Cabdullaahi Gaafow Maxamuud

Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu celisay dalka Norway muwaadiniin Soomaaliyeed oo si qasab ah dalka loogu soo tarxiilay, kuwaa oo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintani Soomaaliyeed oo tiro ahaan 6 ruux ahaa ayaa dowladda Norway waxa ay si qasab ah dalkeeda ay diyaarad ugu soo saartay Soomaaliya, waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka ayaa dib ugu celisay diyaaradii keentay.

Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Cabdullaahi Gaafow  Maxamuud oo la hadlay raadiyaha ku hadla afka dowladda ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ay dib ugu celiyeen dadkaasi, isagoo sheegay in sax aysan eheyn in si qasab ah muwaadiniin Soomaaliyeed loogu keeno dalka iyaga oo aan raali ka aheyn  waxaana uu tilmaamay in markii hore dowladda Norway ay la soo xiriireen ayna u sheegeen in dad Soomaaliyeed ay qasab ku keenayaan dalka, isagana uu u sheegay in aysan aqbali doonin arrinkaasi maantana ay dhacday sidaasi ay ku celiyeen.

Kumanaan Soomaali ah ayaa qaab qaxootinimo ugu nool dalal ka tirsan caalamka gaar ahaan qaaradaha Yurub iyo Maraykanka tan iyo markii ay dhacday dowladii hore 24 sano ka hor.