U bood dhigaalka

Maxamed Ismaacil Kheyre Dhuxuloow oo loo magacaabay talyiha amniga garoonka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Munaasabad maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay taliyihii hore amniga garoonka iyo taliyaha cusub ee hadda loo magaacabay amniga garoonka Maxamed Ismaacil Kheyre Dhuxuloow oo isagu ka mid ah saraakiisha maamulka KMG jubba.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ahaa qaar ka mid ah golaha wasiirada maamulka KMG jubba saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamul goboleedka jubba waxaana goobta ka hadlay wasiirka war faafinta maamulka KMG jubba Ibraahin Xasan Cabdi “Baajuun” oo isagu ugu hambalyeeyay taliyaha cusub ee amniga garoonka magaalada kismaayo loo magacabay.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ka dega diyaaradaha rakaabka iyo kuwa hay’adaha caalamiga.

Maamulka KMG Jubba ayaa ah maamul ay aqoonsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.