U bood dhigaalka

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

mahad salaad

Ku simaha wasiirka ahna wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maal gashiga Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkey u qaabilsan Soomaaliya danjire Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga  labada dal u dhaxeeya .

Wasiir Mahad Salaad ayaa ugu hambalyeeyay danjire Olgan xilka cusub ee loo soo magacaabay , isagoo u rajeeyay xil gudasho ammaan mudan , waxa uu sidoo kale bogaadiyay mashaariicda horumarinta ah ee dowladda Turkey ay ka fulineyso Soomaaliya.

Danjire Olgan Bekar ayaa dhankiisa ballan qaaday in uu sare u qaadi doono heerka iskaashiga dhinacyada badan leh ee dowladiisa kala dhaxeeya Soomaaliya , isagoo tilmaamay horumarka nabad gelyo iyo hanaanka dowlad wanaaga  ay ku tallaabsatay xilligan Soomaaliya.

Kulankani oo lagu falan qeeyay arrimo badan oo la xiriira danaha wadaagga ah ayaa ku idlaaday jawi guul ah .