U bood dhigaalka

Raage Ceele oo gacanta u gashay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo AMISOM

Sheeko:Dalka

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay degmada Rage Ceele ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Mas’uul ka tirsan dowladda oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ka baxeen magaalada Raage Ceele , isagoo intaa raaciyay in ay garanayaan halka ay qabteen,

Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegtay in ay gaari ka qabsadeen Al-shabaab, dhinaca kale Al-shabaab wali kama soo bixin hadal ku saabsan Raage Ceele.

Qabsashada Raage Ceele waxay qeyb ka tahay howlgal ballaaran oo dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ka wadaan degaannada xeebta ah ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka Badweynta Hindiya ayaa ka soconaya gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, dhawaan ciidamadu waxay la wareegeen degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayagoo ku sii siqaya degmada Baraawe.