U bood dhigaalka

Kooxda kubada cagta Goobjoog FM oo ku guuleysatay koob lagu maamuusay halgamaa Shiiqaalow (Sawirro)

Sheeko:Cayaaraha
Midig, Munasar Maxamed Cabdi  oo eegaya dabaal dega Cabdi Cali Duuliye iyo Maxamed Salaad Cismaan
Midig, Munasar Maxamed Cabdi oo eegaya dabaal dega Cabdi Cali Duuliye iyo Maxamed Salaad Cismaan

Kooxda kubada cagta ee Goobjoog FM ayaa ku guuleysatay koobkii lagu maamuusayay halgamaagii isboorti ee dalkeena Maxamed Xuseen Shiiqaalow kadib markii ay ka adkaadeen dhigooda Gool FM ciyaartii kama dambeysta.

Ciyaar aad u xiisa badnayd oo ay isugu soo hareen labadaasi idaacadaood weriyaal kala matalayay aaga kubada cagta ayaa ka dhacday garoonka loogu magac daray Shiiqaalow oo ku yaala degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Labadan idaacadood ayaa horay maalintii shalay uga soo kala adkaaday idaacadaha Mustaqbal iyo Radio Banaadir oo ka mid ahaa idaacadihii tartanka lagu casuumay, Gool Fm oo koobka laga qaaday ayaa horay uga soo adkaatay Radio Mustaqbal halaka Goobjoog FM oo koobka qaaday ay ka soo adkaatay Radio Banaadir.

Garoonka ciyaartu ka dhacday oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan ayaa sheegay in ay ka maqsuudeen ciyaartii dhex martay labada raadiye.

Tartanka oo furmay isniintii ayaa qori tuur maamulka soo qaban qaabiyay tartankaasi ay sameeyeen waxaa isku soo beegmay idaacadah Mustaqbal iyo gool oo ay guushu 8-2 ku raacday idaacada Gool Fm, halka Ciyaartii kale oo u dhexeysay idaacadaha Goobjoog iyo Radio Banaadirna ay 9-6 guusha ku raacday Goobjoog FM.

Guuleystayaasha idaacadaha Goobjoog iyo Gool oo diyaar garow badan muujiyay ku guuleysiga tartankaasi ayaa isku fara saaray garoonka loogu magac daray halgamaa isboorti Shiiqaalow.

Ciyaarta oo bandhig wanaagsan ku bilaabatay taageerayaashii yimid garoonkana ay ka maqsuudeen xirfadaha ciyaareed ee labada kooxood ayaa daqiiqadihii u horeeyay waxaa ciyaartoyda Gool FM goolal labo ah ka dhaliyay ciyaaryahanka lambarka sagaalaad u sitay Goobjoog FM ma gafe Ibraahim france oo si xirfadi ku jirto shabaqa ugu hubsaday baasas qurxoon oo uu ka helay saaxiibadiis in kastoo ay iska soo gudeen Gool FM.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku soo idlaatay 4-4 markii la isugu soo laabtay qeybtii labaad waxaa ka muuqday garoonka firfircooni dheeraad oo ay muujiyeen labada koox taas oo sababtay in waqtigii saxda ahaa ee loogu talo galay ciyaarta ku dhamaato bar bar dhac 6-6 oo ka dhigan in lagu kala baxo gool ku laad (rigoore).

Labo ka mid ah tuurashadii ay sameeyeen idaacada Gool FM way iska khasaariyeen halka Goobjoog FM ay labo ka mid ah dhaliyeen rigoorayaashii ay riteen iyadoo goolkii guushana ee koobka looga qaaday idaacada Gool uu dhaliyay kabtanka kooxda Goobjoog FM Maxamed Salaad Cismaan.

Tababaraha kooxda Goobjoog FM macalin Yuusuf samaan Sheekh (You Man) oo ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen kooxdiisa isaga oo kula dardaarmay in aysan ku qancin koobkan oo keliya balse laga doonayo dadaal iyo natiijooyin intaa ka sii badan.

Kooxda Goobjoog FM waxa ay kala ahaayeen:

Maxamed Salaad Cismaan(Kabtan)

Maxamuud Cismaan Warsme

Maxamed Deeq Taako

Munasar Maxamed Cabdi

Cabdi Qani Cali Aadan

Cabdi weli Jaamac Barre

Cabdi Cali Duuliye

Ibraahim Aadan France

Yuusuf Samaan Shiikh (Tababare)

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle Ok (Kaaliye tababare)

W/D:Maxamed Salaad Cismaan

[huge_it_slider id=”64″]