U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo daah furtay olalaha tallaalka dabeysha iyo jadeecada (Dhageyso)

Sheeko:Caafimaadka
Wasiirka oo eegaya ilmo la tallaalayo, Sawir qaade: Kowthar C/raxmaan Cilmi
Wasiirka oo eegaya ilmo la tallaalayo, Sawir qaade: Kowthar C/raxmaan Cilmi

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed) ayaa maanta daah furay ololaha tallaalka cudurada dabeysha iyo jadeecada oo laga fulin doono gobollada Banaadir iyo Jubbada hoose.

Wasiirka ayaa maanta la kulmay xubno ka socda qaramada midoobey oo uu kala hadlay arimo la xiriira ka hor taga cudurka dabeysha xilli dhowaan uu bilaabanayo.

Waxa uu ku booriyay shacabka in ay ka qeyb qaataan ololaha looga hor tagayo cudurada dabeysha iyo jadeecada isla markaana ay ka faaโ€™ideystaan.

Wasiirka oo ka hadlaya xaaladaha ammaan ee howl wadeenada ka shaqeeya tallaalka ayaa sheegay in farqi weyn ay u dhaxeyso xaaladihii hore iyo kuwa hada jira oo uu ku tilmaamay in hada ay ka roontahay sidii hore.

Hoos ka dhageyso wareysiga Kowthar Cabdiraxmaan Cilmi ay la yeelatay wasiirka: