U bood dhigaalka

Aasaasaha Shirkadda Apple oo Sameeyay Website Waxbarasho oo Gaar u ah Dhinacyada Kala Duwan ee Teknoolajiyadda

Sheeko:War

Steve Wozniak oo ah ninkii ay wada aasaaseen shirkad Apple  Steve Jobs oo ay marwada aasaaseen shirkadda Apple, ayaa ku dhawaaqay inuu sameeyay website cusub oo lagu baranayo teknoolajiyadda kaaso oo loo bixiyay magaca Woz U , website kan ayaa loo sameeyay cidkasta oo dooneysa iney hor-u-mariso awoodaheeda iyo khibradaheeda teknoolajiyadda noocyadeeda kala duwan.

Wozniak ayaa doonaya inuu ballaariyo website ka oo uu noqdo mid laga heli karo dhamaan aqoonta teknoolojiyadda casriga ah, laga bilaabo Injineeriyadda Software-ka tan teknoolajiyadda macluumaadka illaa laga soo gaaro apps ka mobillada iyo ammaanka digital ka ah, isagoo weliba doonaya inuu sameeyo 30 website oo kale oo hoosyimaadda kan weyn, daafaha adduunka oo dhan. Laakiin lama sheegin in website ku uu lacag yahay iyo in kale.

Website-kan ayaa laga helayaa xiriirka shirkadaha teknoolajiyadda, iyadoo uu Woz U leeyahay koorasyo tababarka shaqaalaha ah, kobcinta kuwii hore iyo hor-u-marinta kuwa cusub ah.

Steve Wozniak ayaa yiri, danta aan ka leenahay website-ku waa waxbarista iyo tababarka shakhsiyaadka oo lagu tababarayo xirfadaha lagama maarmaan ka ah ee shaqada teknoolajiyadda, iyadoo dadka la geynayo deegaan u dhigma kan ay ku shaqeeyaan. Waxa uu intaa raaciyay, dadbadan waxay goobta shaqo ee farsamada teknoolajiyadda u baahan uga  fogaadaan, malo ay u haystaan inaaney howsha u gudan karin sidii ugu habbooneyd ee laga rabay, sidaa darteed website ku dadbadan wuxuu tusi doonaa iney khaldaranaayeen oo shaqada laga rabay ay aad u sahlaneyd.

Si kastaba, waxaa hadda si rasmi ah hawada ugu jira website ka Woz U iyo App dhanka mobilka ah oo website loo adeegsan karo oo laga heli karto tukaamada Apple, sidaan horey u sheegayna in si bilaash ah wax looga baranayo iyo inuu lacag yahay ma kala saarna oo lama sheegin.