U bood dhigaalka

Abaaro Dhibaateeyay Gobollada Puntland Iyo Qeybo Badan Oo Koofurta Soomaaliya Ah

Sheeko:Dalka

Iyaddoo dalka ay ka jiraan abaaro ba’an ayaa waxaa si gaar ah looga sheegenayaa qeybo badan oo ka tirsan maamulka Puntland iyo gobollada koofurta Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in saameynta abaaraha degaannada Punland ay aad u sii kodheyso marba marka ka dambeysa.

Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Guure oo ka tirsan golaha wakiillada maamul goboleedka Puntland ayaa xukuumadda Cabdiweli Gaas ku eedeeyay in ay ka gaabisay wax ka qabashada arrimaha abaaraha.

Xildhabaan Cabdikariim oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in waddanka ay ka jirto abaar weyn oo saameyn ku yeellatay dadka iyo duunyada  isagoo sidoo kale sheegay in abaaraha jira ay guud ahaan saameeyeen waddanka gaar ahaan waxa uu tilaamamay in abaarta xoogeeda ay ka jirto gobolada puntland  waxa uuna yiri “ Abaarta waa arrin aad saomaaliya oo dhan u saameysay gugii hore sifiican roob wadanka ugama dain deyrtana deeganada sificn ugama dain deegaanada puntland waxay ka mid tahy meelaha ugu daran ee abaarta ay ka jirto”

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in waddanka aysan jirin meel meel dhaanto oo guud ahaan abaarta waysaameysan gobolada dalka hadana waxay abaar xun ay ka jirtaa deegaanada oo ka taliyo maamulka puntland .

Hadalka  xildhibaan  Cabdkikariim xuseen ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay abaaro dadka iyo duunyada saameeyay ay jiraan koonfurta iyo bartamaha wadanka .

Magaadalada Afgooye duleedkeeda waxaa soo gaarey ilaa 100 qoys ay ka soo hayaameen deegaanada gobolka Shabeelada hoose kuwaas oo iskugu jira xoola dhaqato iyo beeraley  waxayna ka soo carareen abaarta xoogga leh oo ka jirta gobolka Shabeeladaha hoose dadkaan ayaa waxay soo gaareen deegaanada hoos yimaado degmada afgooye.

Dadka Soomaaliyeed oo abaarta saameysay ayaa waxay maciin badaan hadba meesha ay isleeyihiin waxaad ka heleysaan nolol idiin dhaanto middii hore.

Dad badan ayaa waxay ku waayeen xoolahoodii iyo qaar ka mida eheladooda abaarta ka jirta wadanka ,iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaa barbar socotay dadaalo dadkaasi lagu gaarsiinayo kaalmooyin iyo gurmad.
Goobjoog News