U bood dhigaalka

Abaarta Oo Saameysay Dadka Da’da Ah

Sheeko:Dalka

Dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, iyadoo dadku ay u kala nugul yihiin saameynta abaarta.

Waxaa jira dad da ah oo abaarta uga soo barakacay deegaanno fog, iyaga oo waliba lugeynaya.

Xaliimo Cabdulle Afrax, waa 65-sano jir, waxay kamid tahay in ka badan 100 qoys  oo abaarta uga soo barakacay tuulooyin hoostaga deegaan Xeebeedka Ceel-huur ee goboblka Mudug, oo qiyaastii degmada Cadaado u jira 270 Miter.

Waxa ay sheegtay in aysan war u ahayn dadkii kale ee qoyska, maadaama markii xaaladda nolosha ku xumaatay ay kala hayaameen.

“Dadkii waa soo wada socon waayey waa la kala hayaaman, waxyar baan kusoo baxnay, abaarta ayaa na kala geysay, ma naqaan inta kale iney nool yihiin iyo in kale, xoolana ma hayn, wixii kalena waad u jeedaan, meeshaan ka nimid biyo, raashiin waxbo ma lahayn, dhibaatada guud ee jirta ayaa nasoo barakicisay, kuleyl ayaa nasoo barakiciyey, dadkii qaar waan kasoo tagnay, qaarna hoteen ayeey soo tageen”

Dadka reer guuraaga ah ayeey abaarta ku yeelatay saameynta ugu badan, taasi oo sabab u noqotey iney nolol ka raadiyaan magaalooyin aysan la dhaqmi Karin.

“Haddii aan haysanno wax aan ku noolaanno annaga ma bara kici jirin,  markaan nafta ayaa na wadda, waxaan is niri bal qofkii badbaadda arka, qofkii lala harana arka” ayeey tiri Xaliimo.

Dhibaatooyinka kale ee dadka Miyiga ku xoolo beella ay la kulmaan ayaa ah ineysan sahal ku heli Karin gaadiid ay magaalooyinka ku galaan, waxaana mama Xaliimo iyo dad la socdey oo qaarkood ay dhex uga soo tageen ay lugeynayeen muddo aad u badan.

Dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxayna dadkan u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News