U bood dhigaalka

Adaydu Maxay U Illoobaan Maadooyinkooda Waxbarasho Isla Marka uu Dhamaado Xilli Dugsiyeedku

Sheeko:War

Qof kasta oo naga mid ah waxa uu soo maray xilli uu ilaaway wixii uu soo qaatay sanad ka hor amaba uu lumiyay 90% daraasaddii xilli dugsiyeedkii tagay, arrinkani maaha mid ku goonni ah ardayda Afrikaanka oo kaliya ee waa arrin caalami ah oo iskuulaadka iyo jaamacadaha dunidu ay ka wada siman yihiin.

Hadaba, si aan u ogaanno sababa illowgaa keena iyo saameyntiisu inta ay le’eg tahay, ayaa culumo dhanka barbaarinta ah  ay cilibaaris ka sameysay , sababa illowga keenay waxay ku sheegeen.

1- Hamiga Ardayda oo Yar

Waxaa aad u yar xiisaha ardaygu uu u hayo macluumaadka loosoo gudbinayo, waxaa dhici karta inuu ardaygaasi ay ka hortimaaddo duruufta uu wax ku baranayo, amaba uu aanuu si gaar ah u xiisanayn macallinka maadada, arrimahaa iyo kuwo kale oo is biirsada ayaa keenaya in si fudud ardaygii uu ku illoowo maadadii uu soo dhigtay.

2-  Falgal la’aanta Ardayga Waxa uu Dhiganayo iyo Baraatikada oo Yar

Ardaygu inuu la falgalo waxa uu dhiganayo waxay keentaa inuu si wanaagsan u xasiisto muddo dheerna ay maskaxdiisa ku sii jirto, laakiin marka uu ardaygu waxa uu dhiganayo uu ka waayo wax la falgalaya nolol maalmeedkiisa, haddii uu si kasta u fahmo, maalmo ka dib waxaa dhacaysa inuu illaabo oo uu lumiyo wixii uu bartay.

3- Manhajka Waxbarasho oo aad u Weyn

Ardayga inuu si fudud wax ku illaawo waxay ka dhalataa, falgal la’aanta ardayga ee dhanka maaddada iyo wixii la qaatay oo faa’idadooda aan laga helayn nolol maalmeedka ardayda, mushkiladahaa inta badan waxaa keena macallinka oo ku mashquula manhaj farabadan oo loo dhiibay sidii uu ku soo gabagabeyn lahaa xilligii loogu talogalay, taas oo keenaysa inaanuu fursadba u helay in ardayga uu tuso waxyaabo badan oo ay ahayd inuu ardaygu wax ka  ogaado.

4- Akhrin Yarida Dhanka Ardayga

Xilliga maanta lagu jiro ee xilliga tiknoloojiyadda casiriga ah, waxaa dhacaysa in ardayga uu ka gaabiyo maadadii ay ahayd inuu akhriyo oo xilliyo badan uu dib u dhigo, taas oo keenaysa in maadadu ay isku uruurto faham badanna uu sidaa ardayga uu ku dhaafo, xasuusta maada oo luntana ay soo dadajiso, isla marka uu imtixaankeeda galo.

Si kastaba, ardaydeenna mushkilada haysata ee dhanka illowga ah waxa ugu weyn in xoogga la saaro xasuusta xilliga dhaw amaba wax uu ardaygii u akhriyo baasidda imtixaan oo kaliya, ardaydu iskuwada mid maaha, waxaa jirta arday badan oo dadaala xusuubadanna ka haysta maadaayinka ay qaataan, gaar ahaan kuwa sida weyn wax u akhriyo xooggana saaray kobcinta xasuusta ee mudada fog.

 Goobjoog News