U bood dhigaalka

Admiraal Faarax Qarre: Wax Ha Laga Qabto Maraakiibta Sharci Darrada U Kalumeysata

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliya ayaa Dowladda ka dalbaday in ay wax ka qabato maraakiibta Iyo doomaha sida Sharci Darada ah uga kalumeysta xeebaha Soomaliya.

Admiraal Faarax Qarre, Guddoomiyaha Hey’adda Cilmi barista Badda Soomaaliya ayaa xusay in Dowlada Soomaaliya looga baahayahay in shaqo abuur ay u sameeyso dhalinyarada lala xiriiriniyo falalka burcad badeednimad .

Faarax Qarre, waxa uu sheegay in in dowlada looga fadhiyo sidii wax badan ay uga qaban laheyd  kiisaska la xiriira Maraakiibta shisheeye oo  xeebaha Soomaaliya  sida sharci darrada ah uga jalaabta isagoo arintaasi ka hadlayo waxa uu yiri

“Arrintu way iska cadahay waayo burcad badeedka wixii dhaliyay ayaa hadana dib u soo laabtay, burcad badeednimada waxaa dhaliyay dhalinyarada masaakiinta ah oo xeebaha ka kaluumaysata ayaa maraakiibta shisheeye baabi’iyeen qalabkooda”.

Inta badan biyaha Soomaaliya waxaa ku soo xadgudba maraakiibta shisheeye kuwaas oo si sharci darro ah uga kaluumeysta biyaha, waxayna dhibaato gaarsiiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee nolol maalmeedkooda ka raasadaha badda.

Arrintaasna waxay keentay inay dhalinyarada ay isku dayaan inay ka hortagaan oo ay iska difaacaan maraakiibta shsheeye waxayna ku kacaan falal la xiriira afduub iyagoo markabkii ay qabsadaan laga siiyo lacago madax furasho ah.

Goobjoog News