U bood dhigaalka

Admiral Faarax Qare: Wax Halaga Qabto Kalluumeysiga Sharci Daradda Ah

Sheeko:Dalka

Taliyahii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Adimral Faarax Qare ayaa ugu baaqay dowladda Soomaliya iney wax ka qabato kalluumeysiga sharci daradda ah, si aaney usoo laaban kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Waxa uu sheegay Admiraalka in haddii uu xooggeysto kalluumeysiga sharci darrada ah ay sababi karto in ay dib u bilowdaan kooxihii burcad badeedda.

Faarax ayaa sidoo kale sheegay in kalluumeysatada Soomaaliyeed markii ay waayaan meel ay ka kalluumeystaan ay keeni karto iney isku dayaan iney meesha ka leexiyaan cid walbo oo caqabad ku ah shaqadooda.

“Burcad badeed waa sabab iney soo laabtaan, sababtoo ah haddii dhallinyarada laga hor istaago iney kalluumeystaan waxay ku qasban yihiin in si kale u fikiraan oo ah iney wax afduubtaan, marka waa in wax lga qabtaa kalluumeysiga sharci darrada ah” ayuu yiri Faarax.

Isniintii lasoo dhaafay dhallinyaro tiro ahaan gaareysa 40 ayaa qafaashay markab shidaal oo kusoo wajahnaa dekadda Muqdisho, kuwaasi oo sheegay iney ka carreysan yihiin kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha dalka ka socda.

Goobjoog News