U bood dhigaalka

Afgooye: Booliiska Oo Qabtay Nin Dilay Walaashiis

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee degmada Afgooye ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen nin la sheegay inuu dilay gabar walaashiis ah, kaas oo maalmahan dambe la baadigoobayey.

Amiin Maxamed Cismaan, taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Afgooye ayaa u sheegay Goobjoog News, in ninkaan uu walaashiis ku dilay beer ku taalla deegaanka Doonweyne, kaasi oo hoostaga degmada Afgooye.

Dilka ayuu u adeegsaday sida taliyaha sheegay Faas, iyadoo illaa hadda la ogeyn sababta ku kalliftay inuu dilo walaashiis.

“Waxaan soo qabannay gacan ku dhiigley waalshiis ku dhex dilay beer ku taaalla deegaanka Doonweyne, wuxuuna u adeegsaday Faas, hadana baaritaan ayaan kuw adnaa, waa la ogaanayaa waxa ku kallifay inuu dilo walaashiis” ayuu yiri Taliyaha.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa horey uga dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News