U bood dhigaalka

Afhayeenka Maamulkii Ximan Iyo Xeeb Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa goor dhow waxay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ku dileen Maxamed Cumar Hagafey oo ahaa afhayeenka maamulkii la oran jirey Ximan iyo Xeeb ee ka dhisnaa degmada Cadaado iyo deegaannada ku dhow.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in rag hubeysan, islamarkaana watey gaari ay isku hor gooyeen gaarig uu watey Hagafey, islamarkaana rasaas ay la dhaceen.

Marxuum Hagafey ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu lahaa Idaacadda Codka gobollada dhexe, waxaana qeyb uu ka lahaa Tv-ga Kalsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News