AFRICOM Oo 5 Weerar Ka Geysatay Soomaaliya 5tii Maalmood Ee Ugu Dambeysay

Duqeyn

Sida ay sheegayaan hoggaanka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, sanadkan 2017ka waxaa ay ciidamadooda qaadeen weeraro ka badan kuwii sanadkii hore,

Sida afhayeen u hadlay  AFRICOM uu u sheegay  wakaaladda Associated Press,  weerarada Mareykanka ay sanadkan qaadeen waa 26 weerar, 5 ka mid ah waxaa ay qaadeen wixii ka dambeeyay November 9.

Militariga Mareykanka waxaa ay bishan 11-keeda weerar ku qaadeem Al-shabaab, Galgaduud, maalin kadib waxaa ay qaadeen labo weerar, mid ka dhacay Jilib, Basra iyo mid ay ka geysteen Puntland, bariga Soomaaliya.

Mareykanka inta badan waxaa ay qoraalkooda ku sheegaan in weeraradan u qaadaan qaab is-difaacid ah, waana siyaasad cusub oo timid kadib markii la doortay madaxweyne D. Trump.

Bishii March ee sanadkan Trump waxaa uu ogolaaday in ciidamada Mareykanka ay bartil-maameedsan karaan Al-shabaab, isaga oo siiyay awoodo dheeraad ah.

Goobjoog News