U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Soo Jeedisay In Doorashada Galmudug Dib Loo Dhigo

Sheeko:Dalka

Maamul-ka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb ayaa wax saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay ku talinayaan in la qaato taladii ra’siul wasaare Xasan Kheyre ee aheyd in doorashada Galmudug dib loo dhigo muddo 45 cisho ah.

Kooxdan waxaa ay codsadeen in dowladda ay ka soo baxdo ballamihii ay wada galeen madaxweynaha federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo hoggaamiyahooda Sheekh Shaakir.

Waxaa ay soo jeediyeen in gobollada dhibaateysan lala gaaro gargaar deg deg ah iyaga oo ilahey ka baryey in umadda dhibka ka dul-qaado.

Ugu dambeyntii, waxaa Ahlu-sunna soo jeedisay in wax walbo oo jira lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad.

Goobjoog News