AKHRISO: 11 Wasaaradood Oo Aan Lahayn Wasiiru Dowleyaal

0014

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa maanta magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 26 wasaaradood.

Wasaaradaha dhammaantood waxa ay leeyihiin ku xigeenno, balse ma wada lahan wasiiru dowleyaal.

Waxaa jira 11 wasaaradood oo aan lahayn wasiir dowleyaal, kuwaasi oo hoos ku xusan:

1-Wasaaradda Xanaanada xoolaha

2-Wasaaradda Haweena iyo Xuquuql Insaanka

3-Wasaaradda Batroolka

4-Wasaaradda Beeraha

5-Wasaaradda Caafimaadka

6-Wasaaradda Kalluumeysiga

7-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

8-Wasaaradda Warfaafinta

9-Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha

10-Wasaaradda Korintada iyo Biyaha

11-Wasaaradda Gargaarka Aadanaha

Goobjoog News