U bood dhigaalka

Akhriso Ajendaha Iyo Khudbadaha Kulanka Jimciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa Oo Bilowday

Sheeko:Dalka

Waxaa Bilowday kulanka guud ee Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, khudbadihii ayaa hadda socda, Xogheyaha guud ee qaramada midoobey António Guterres  oo kulanka furay waxaa uu ka hadlay khatarka hubka wax gumaada iyo isbadalka cimilada.

Khudbadda madaxweynaha Mareykanka Trump waxaa uu ku jirtay in Mareykanka hadda kadib aanu ogolaan-doonin in isaga wax bixiyo, oo aan taa badalkeeda waxba helin, waxaa uu hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya ku sheegay mid dhagax ah.

Sanadkan waxaa xoogga lagu saari-doonnaa arrimaha SDG 2030, Isbadalka cimilada iyo qaxootiga., waxaa kale oo sanadkan la wada sugayaa siyaasadda Mareykanka ee ku aadan caalamka iyo sida uu rabo madaxweyne D. Trump, dadka qaar waxaa ay ku doodayaan in kulanka uu yahay Showga Trump.

Soomaaliya waxaa uga qeyb-galaya wafdi uu hogaaminayo ra’siul wasaare Xasan Kheyre, mar haddii uu safar ku sii jiro waxaa hadda kulanka uu matalaya wasiirka arrimaha dibadda Yusuf oo ay wehliyaan Danjire Cabdiraxmaan Caynte iyo Danjire Cawaale Kulane.

Waa Muhiim Ee Akhri: 5 Qodob Oo Ra’isul Wasaare Kheyre Ay Tahay In Uu Ka Hadlo Kulan-ka 72aad Ee Jimciyadda Q.M

 Hay’adda Qaramada Midoobay( United Nation):

Waa Urur Dowli ah oo shaqadiisu tahay fududeynta sharciyadda caalamiga, arimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Xuquuqu insaanka.

ururkan waxaa la Aas-aasay 24-October 1945-tii magaalada Sanfarancisco ee dalka Mareykanka kadib markii ay bur-burtay ururkii ka horeeyay ee League of Nations kasoo wax ka qaban waayey dagaalkii Labaad ee Aduunka.

Xarunta ugu weyn ururka Qaramada Midoobay waxay ku taalaa New York, Maxkamadda Cadaaladda Waxay ku Taal Hague iyadoo Xarumo kale ku leh Magaalooyinka Geneva, Vienna iyo Nairobi, Golaha Amaanka waa hay’adda ugu sareysa Qaramada Midoobay, waa Gole awood u leh fara-galinta Khilaafaadka iyo Xalintooda.

Dhanka Siyaasadda Waxaa Hay’adaheeda ka mid ah: Jimciyadda Qurumaha,  Golaha amaanka iyo Goloyaal kale.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa:  waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

Shaqooyinkeeda waxaa ka mid ah: Nabad ilaalinta, Xalinta Muranada, Meel Marinta Miisaaniyadda Qaramada Midoobey, doorashada xubnaha aan joogtada ayeyn ee Golaha Amaanka iyo xitaa Xogeyaha guud ee Qaramada Midoobey markii ay golaha amaanka soo jeediyaan.

Dowlad kasta waxaa ay leedahay hal cod marka laga reebo dowladaha aan bixin Ishtiraakaad ama Lacagaha Wadamada laga qaado, Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka aan bixin lacagta si ay u cod u yeeshaan.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Gaarka ah:

  1. Barnaamijka Cuntada Aduunka( World Food Programme)
  2. Barnaamijka Bay’ada( United Nation Enviroment Programme)
  3. Ururka Tarbiyada,Culuumka iyo Thaqaafada( United Nations Educational Scientific and Cultural Org)
  4. Hay’adda Qaxootiga Aduunka (United Nation High Commissioner for Refugees Goodwill).
  5. Hay’adda Caafimaada (World Health Org).
  6. Bankiga Aduunka( World Bank)

Iyo Ha’ado kale sida: International Civil Aviation-ka oo ah Ha’adda Duulimaad iyo International Monetary Fund …iyo hay’ado kale.

Luqadaha Rasmiga ee Qaramada Midoobay waa: Carabi, Ingiriis, Shiinaca, faransiiska, Ruushka iyo Spanish-ka