U bood dhigaalka

Akhriso: Barnaamijka Xukuumadda Ra’isul Wasaare Khayre Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu maanta ku guuleystay in uu golaha shacabka ka helo codka kalsoonida xukuumaddiisa, kadib markii ay wasiirradiisa heleen codadka kalsoonida 224 Xildhibaan oo ka mid ah golaha shacabaka, aqlabiyadna lagu ansixiyay.

Inta aan xukuumadda la ansixin, Ra’isul wasaare Xasan Khayre waxaa uu golaha shacabka u qeybiyay, kana hor akhriyay barnaamijka xukuumaddiisa ay ku shaqeyn doonto 4-ta sano ee soo socota.

Ra’isul Wasaare Kheyre waxa uu ballan-qaaday in xukuumadiisa ay soo afjari doonto amni darrida, faqriga, musuq-maasuqa, colaadaha iyo arrimo kale oo ay muhiim tahay in muwaadinka ogaado, si berri lagula xisaabtamo ra’isul waaraha iyo golihiisa wasiirrada.

Hadaba Halkan Ka Akhriso, Barnaamijka Xukuumadda Kharye:

Barnaamijkan oo aanu helnay nuqul ka mid ah qoraalkiisa, waxaa ku qornaa in wax looga qabanayo arrimo badan oo ay ku jiraan; gurmadka abaaraha, sugidda amniga, cadaaladda, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa, qof iyo cod 2020-ka, Dowlad wanaag, Adeegga bulshada, dib-u-heeshiinta iyo xiriirka caalamiga.

Gurmadka Abaaraha:

Abaaraha markii uu ka hadlayey waxaa uu sheegay in ay soo gaartay lacag dhan 2-milyan oo Dollar, lacagtaas oo ay bixiyeen shacabka, ganacsatada iyo qurbojoogta Soomaaliyeed, 20 Milyan Dollar  oo kale ayuu sheegay in deeq ahaan u heleen, lacagahaas waxaa dheer  lacagihii ay ballan-qaadeen beesha caalamka.

Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre waxaa uu u mahadceliyay madaxdii uu ugu horreeyay xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee soo booqatay Muqdisho, wadamada carabta iyo caalamka oo isku howlay wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira, isaga oo ballan-qaaday in kulanka Khamiista ee xukuumadda looga hadli doono arrimaha abaaraha, isla markaana ay xoojin doonaan wax ka qabashada arrimaha abaaraha ee dalka.

Barnaamijka xukuumadiisa waxaa ka mid ah: Badbaadinta dadka iyo duunyada iyo yareynta saameynta musiibooyinka abaaraha ee dalka kusoo noqnoqday.

Xasilloonida Guud Ee Dalka:

Sugidda amniga waxaa uu sheegay in ay tahay waajib lagula xisaabtami doono xukuumadiisa, isaga oo intaa raaciyay in uu xoojin doono hey’adaha amniga iyo dhismaha ciidan hanan kara kalsoonida shacabka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu ballan-qaaday in uu soo afjari doono falalka argagaxa leh iyo amni darrada iyo in uu xakameyn doono ilaha dhaqaalaha argigixisada.

Himillada xukuumadisia waxaa uu sheegayin ay tahay“Hanashada nabad waarta dalka oo idil, bad iyo barri, miyi iyo magaalo, taasi oo ka reeban cabsi iyo dulmi, sugtana xuquuqda iyo xoriyadda muwaadinka daraf kasta oo dalka ah”

Caasimadda Muqdisho: Ka hortagga argagaxa joogtada ah:

Kheyre waxaa uu ballan-qaaday in uu bilaabayo ololaha nabdinta Xamar oo hal-hays uga dhigay “Aan Xasilino Xamar”,  in uu ka hortagi doono argagaxa joogtada ah ee ka jira caasimadda, waxaa uu barnaamijiisa ku soo qoray“xasilooni guud ma gaari karno haddii aysan caasimadda xasilooneyn”, barnaamijka nabdinta ayuu sheegay in uu bar-bar socdo sugidda amniga oo lala kaashanayo khubaro iyo xeer-dheeyaal.

Cadaaladda, Garsoorka Iyo Isla Xisaabtanka:

Ra’isul wasaare Xasan Khayre waxaa uu ballan-qaaday in  muwaadin walba uu heli doono xuquudiisa, lana dhowri doon shuruucda dalka, isaga oo soo qaatay in la joojin doono gabood falka iyo cadaalad darrida si loo gaaro xasilooni iyo hor-u-mar.

Kheyre waxaa uu sheegayaa in cadaalad-darida ay cadaw ku tahay jiritaanka umadda, waxaa uu sidoo kale umadda u balan-qaaday in la soo afjarayo dulmiga iyo tacadiyada ay geystaan howl-wadeenada dowladda iyada oo aan loo aabayeeli doonin xil kasta oo ay ka gaareen dowladda.

Dhaqaalaha Iyo Maalgeshiga:

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre waxaa uu baarlamaanka ka hor sheegay in xukuumaddiisa ay dabar-goyn doonto faqriga iyo saboolnimada, isla markaana uu dhiirigelin doono maalgeshiga shisheeye.

Kheye waxaa uu qabaa in saboolnimada Soomaaliya ka jirta ay tahay mid la abuuray oo aaney dabiici aheyn, isaga oo ballan-qaaday in dadka ka dhisi doono aqoonta iyo xirfadaha si loola dagaalo musuqa.

Ra’isu waasara waxaa uu leeyahay dadkeena 75% waa dhalinyaro, waana in laga faa’ideysti dhulkeena I hal milyan oo(hectares) waa dhul-beereed, dhererka badda waa 3 kun oo kuluun ka buuxo iyo xoolo ka badan 40 Milyan.

Ciribtirka Musuqa:

Mr. Kheyre xukuumaddiisa waxaa au ciribtiri doontaa musuqa, waxaa la dhisi doonaa guddiga la dagaallama musuqa, dhismaha dowlad wanaagga, si loo gaaro hor-u-mar iyo nabad waxaa ay sheegeen waxaa uu ra’isul wasaaraha aballan-qaaday cirib tirka musuqa iyo bixinta mushaaraadka.

Kheyre waxaa uu leeyahay: “inta kalsoonida shacabka kororto ayuu dakhliga dowladduna kordhayaa, inta kalsoonida hoos u dhacdo wuu dhici”.

Waxaa uu ballan-qaaday xoojinta hab-raaca iyo hab-maamulka kharashka dowladda si loo hubiyo in dhammaan kharashyada ay mareen xeer-nidaamii loogu talo-galay, laguna qabtay howshii loo qoondeeyay.

Doorashada 2020:

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu ballan-qaaday in 2020-ka ka dhici doonto hannaan doorasho oo xor ah, waxaa uu xildhibaannada ku dhiirgeliyay in ay wax ka qabtaan arrimaha dastuurka, tirakoobka iyo afti u qaadistiisa, arrintaas oo hal-beeg u noqon doono doorashada 2020-ka.

Mr. Kheyre caqabadaha uu soo qaatay in ay jiraan waxaa ka mid ah: amni darro ka jirta deegaannada qaar, dib-u-eegista dastuurka oo aan dhameystirneen, sharciyada iyo guddiyada khuseeya doorashada oo aan weli howlgelin, muqaamka caasimadda oo aan la go’aamin iyo dhaqaale la’aan.

Iyada oo intaasi jiraan waxaa uu leeyahay waa laga gudbi karaa haddii la helo wada-shaqeyn u dhaxeysa xukuumadda, labada gole, dowlad goboleedyada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dowlad Wanaag:

Ra’isul waaraha waxaa uu sheegay in himmilada xukuumadiisa ay tahay gaarista dowlad wanaag iyo daahfurnaan ku saleysan hufnaan, maamuus-wanaag, wadaniyad, hagar bixid, si loo helo dowlad shacabkeeda ka heybeysato, kuna kalsoon yahay.

Kheyre waxaa uu soo jeediyay in xukuumadiisa ay xoogga saari doonto ka faa’ideysiga aqoon-yahannada iyo xirfadleyda ku sugan gudaha iyo dibadda.

Xukuumadda waxaa uu sheegay in ay howl-gelin doonto xeel-dheerayaal ka talo bixiya hannaanka dowlad-wanaagga, kasbashada kalsoonida shacabka iyo ka hortagga dhaqamada dowlad-xumida keena.

Federaalka:

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu ka hadlay arrimaha federaalka iyo dimoraadiyadda iyo in 4 sano kadib la gaari doono qof iyo cod.

Adeegga Bulshada:

Ra’isul wasaaraha waxaa uu shacabka u ballan-qaaday in ay heli doonaan adeeg waxbarasho, mid caafimaad iyo dhammaan kaabayayaasha dhaqaale iyo in uu gacan siin doono haweenka iyo dhalinyarada.

Dib-u-heshiisiinta:

Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre waxaa uu sheegay in uu soo afjari doono colaadaha iyo ismaan dhaafka, isla markaana uu xoojin doono kalsoonida iyi is aaminka dadka dhexdiisa ah.

Dhanka Somaliland waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed balse uu tixgelin siin doono tabashada dadka reer Somaliland.

Xiriirka Caalamiga:

Horumarinta siyaasad cusub ee xiriirka caalamka, gaar ahaan kuwa aan dariska nahay, Carabta, caalamka Islaamka iyo wadamada xiriirka la leh Soomaaliya.

Xoojinta doorka Soomaaliya ee IGAD, in la bilaabo bixinta khidmadda lacageed ee ku baaqatay Soomaaliya mudada dheer ee dhanka ururada xubinta Soomaaliya ka tahay.

Tayeynta iyo dib-u-habeynta nidaamka iyo shaqaalada arrimaha dibadda, si loo horumariyo danta dalka iyo dadka.

Ugu Dambeyntii, waxaa uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre ku booriyay baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay bilaabaan la xisaabtanka xukuumadda maalinta la dhaariyo.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News