U bood dhigaalka

Akhriso: Daruufaha Adag Ee Ay Ku Shaqeeyaan Shaqaalaha Kaawooyinka

Sheeko:War

Marka shaqada ay sidan oo kale u dhib badantahy ma ahan mid maalin ama saacado gudahood lagu guranayo wax dheefkeeda,  Balse waxaa ka so keeya qataro badan oo suurto gal ay tahay in ay waxyeello kaa soo gaarto sida afartan iyo labo jirkaan oo raadinaya nolosha qoyskiisa.

Waa shaqo qofka ku qasbeysa daruufaha adag ee ka jira dal in ka badan 25 sano aan helin dowlad dhexe oo laga helo waajibaadkii bulsho oo ay ka mid tahy fursado shaqo.

Ragga ka shaqeeya qaar oo nolol maalmeedka qoyskooda ka soo saara shaqada kaawada ayaa waayey qaar ka mida xubnaha ugu muhiimsan jirkooda, saas ay tahana kama aysan reebin naafa-nimada shaqada oo wali waxay u soo jarmaadayaan shaqadaan oo ay ku hareereysantahay qataro badan.

Xasan Cumar Mahdi waxaa uu ka shaqeeyaa dhagaxa kaawada waxaa uuna ku waayey xubin ka mid jirkiisa markii uu ku soo dumay dhagax isaga oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu yiri “Sanadkii 2012 dii ayaan ku dhaawacmay lugtana la iiga jaray dhagax igu soo dhacay, waana ka bogsooday hadana waan ka shaqeeyaa “.

Waxaa dhab ah in dheefta laga helo shaqadaan naf-hurnimada ah aysan kaafin qoys  laga yaabo inuu ka koo banyahay 7 qof,daqliga maalin laha ah ee ka soo gala qofka muruq maalka ayaa gaaraya boqol-labo boqol oo Shilinka Soomaaliga ah.

Dhanka kale ma ahan shaqaalaha ka shaqeeya kaawada rag oo kaliya, balse waxaa jira dumar badan oo daruufta jirta ay ka soo saartay guryaha,kuwaas oo ay aheyd in loo gacan banaaneeyo xanaaneynta caruurtooda.

Khdiijo Maxamed Fiidow waa hooyo ka shaqeysa Kaawada waxay sheegtay in ay shaqadaan bilowday iyada oo gabar yar ah.

“Shaqadaan waxaan bilaabay anigoo gabar ah ilaa iyo hadana waan ka shaqeystaa,shaqadaan waxaa ku dhimatay labo iyo toban qof dad kalana way ku dhaawacmeen”.

Ma ahan wax sahlan in si fudud lagu jabiyo dhagaxa loo yaqaano kaawada, waxaana ka shaqeysta dad badan oo ay noloshooda ku tiirsantahay dad badan oo ka mid ahaa shaqaalaha kaawada ayaa ku dhintay markii ay ku soo dumeen dhagaxaanta waaweyn.

Goobjoog News