U bood dhigaalka

Akhriso: Doodda Iyo Hadallada Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Maqnaashaha Wasiirka Dastuurka Xoosh Jibriil

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ayaa maanta cod buuxa ku diiday in la aqbalo codsiga wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril oo ah in kulanka uga baaqday xanuun dartiisa, iyada oo la soo jeediyay in guddiga joogtada ah ay go’aan ka gaaraan arrinta wasiirka.

Inta aan go’aankaasi la gaarin, waxaa kulanka ka dhacay dood aad u kulul oo dhex-martay Xildhibaannada golaha shacabka, qaar cudur-daarka wasiirka ku qancay iyo in kale oo ka hortimid.

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril oo horay uga horyimid go’aanka golaha shacabka ee sugidda kuraasta ayaa loo yeeray 26-kii Luuyo, maalin kadib waxaa uu golaha soo gaarsiiyay in uu xanuunsan yahay, laakin maanta ayuu golaha ka dooday sida codsigiisa laga yeelayo tiiyoo la diiday.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Xildhibaannada Wixii Ay Wasiir Xoosh Jibril Ka Dhaheen:

Xildhibaan  Maxamed Cumar Dhalxa “Waxaan qabaa in aan ka abaaro arrimaha murugsan, waxa marka hore haddii ay dawo leeyihiin, waxaa fiican meesha ay ku haboon tahay  iyo meeshii ay mudneed in ay maraan, waxaan ognahay ajendaha waxaa sameeya guddoonka iyo guddiga joogtada ah, awood waxaa jirtay inta aanan baarlamaanka la keenin oo ajende laga soo dhigin haddii uu cudur-daarka jiro in aan ajendaha la keenin,  baarlamaanka la keenin oo adinka aad xalisaan, dooddan ma dhalateen oo hadda meshan ka socoto, wasiirka haddii uu u gafay baarlamaanka in uu raalligelin ka bixiyo wixii uu yiri, guddoomiye waa wax adiga mas’uuliyadeeda ku saran tahay, oo wax baarlamaanka aan ka mudneen in uu yiraahdo waa laga fiican yahay wasiirka”

Xildhibaan  Cabdifitaax Ismaaciil Daahir “In wasiirka dastuurka na hor-yimaado oo faahfin ka bixiyo faalooyin uu ku qoray bartiisa twetterka iyo shaqadaiisa, cudur daarka naloo keenay waa wax hadda ah, waxaa dhici kartay waqti hore, waayo howshu muddo ayey socotay, laakin hadda kuma qanacsanin in wasiirka u baxay xaalad caafimaad, waxaa rabnaa in isaga oo maqan laga doodo arrinkaas, waxaan soo jeedineynaa  in maadaama uu ixtiraami waayey u yeeristii baarlamaanka in xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo.”

Xildhibaan  Xuseen Iidow: “Waxaan u soo istaagay in aan taariikhaha u yeeristiisa iyo cudur-daarkiisa iyo fadhiga maanta, taarikhyahaas ayaan rabaa in aan wax ka caddeyo, Taariikhda 1aad, Wasiirka waxaa loo yeeray 26 Luulyo, waxaa uu soo cudur-daartay sida xaashida aad halkaas ka akhrisay ku qoran 27 Luulyo oo ah maalintii xigtay, waxaa iga su’aal ah haddii wasiirku arrimo caafimaad u cudur-daartay, lana ogaa in uu cudur daartay oo guddoonka ogaayeen, Maxaa baarlamaanka loogu yeeray maanta? Aleen wasiirka waa cudur-daartay 4 maalmood ka hore”.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla“Waxaan halkan u soo istaagay wasiirka dastuurka oo xildhibaannada u gafay, hadana loo hiilinaayo, ninkaas dalka ayuu u gufay, dastuurka Soomaaliya waxaa uu qoraayo ayuu ka soo horsjeestay, tuwetterka ayuu kaga hadlay, baarlamaanow ogaadam hadana warqad ayaa la siiyay oo waxaa la yiri caafimaad ayuu u baxay, dalka sidaas ayaa loogu tumanaa, ogaada, anagaa baarlamaanka ah aan wasiirka iyo cid walba oo dalka u gafto is qabano…wasiirka kuwaas ma hor tagaayi ayuu dhahay waa iska dhoofay, waa in wasiirka dastuurka halkan yimaadaa haddii uu iman waayo ra’siul wasaaraha waxaan ka codsaneynaa ninkaas wasiir ma aha, waa in badalkiisa la magacaabaa”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad“…..Haddii wasiirka aadna fasixin, sida ku xusan qodobka 69aad, faqaradiisa 2aad, C ee u yeeriida mas’uulka:

(c)        U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa;…. Sidaas darteed, waxaa codsanaa wasiirka waxaa uu u gafay baarlamaanka, waxaa uu u gafay dastuurka, waxaan codsanaa in cod la geliyo, kalsoonidana lagala laabyo.”

Xildhibaan Naciimo Maxamed Gacal:  “Arrimahan oo kale waa imaadaan, wasiirada waan u yeernaa, markaad rabto ma adigoo go’aan noo qaadaya oo dhahaya waa sugeynaa marka kalana ma inagaa inta na soo dhex dhigto…teeda kale wasiirka waa maqan yahay, doodeena ma waxay nodeysaa ma waxuu u xanuunsaday, doodeena dib haloo dhigo”

Xildhibaan Cabdullahi Godax Barre: Ajenaha aan ansixinay waxaa uu ahaa su’aal oraaheed in la weydiiyo wasiir , wasiirkii ma joojo, su’aal ma dhaceyso, dooddan aad noo furtay oo aan ajandaha ku jirin xagee u socotaa?

Dhageyso Doodda Xildhibaannada Oo Dhameystiran: 

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News