U bood dhigaalka

Akhriso: Doodda Qaar Ka Mid Ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Arrintii Qalbi-dhagax

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa hadda xarunta golaha shacabka ka socda dood ku aadan dhiibista xukuumadda ra’isul wasaare Cali Kheyre ee Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Xukuumadda Kheyre ayaa ugu horeyn keentay golaha shacabka illaa 15 hindise sharciyeed, laakin xildhibaannada ayaa isu diwaangeliyay in ay ka doodaan arrinta dhiibista Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Halkan Ka Akhriso: Doodda Ka Socota Gudaha Golaha Shacabka:

Xildhibaan Mahad Salad oo golaha shacbka u sheegay in heshiisyada ay xukuumadda Kheyre Ku mar-marsiyooneyso ay yihiin sharci- darro aan lagu gelin magaca dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo soo jeediyay in xukuumadda Kheyre la aamino, arrinta Qalbi-dhagaxna lagu wareejiyo guddiga Amniga ee golaha.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo dalbaday in la keeno sharciga mujrim ama dambiile looga dhigay Qalbi-dhagax

Xildhibaan Khadiijo Diiriye: Heshiisyadii horay loo galay xukuumadda waxaa ay ku sameyneysaa dib-u-eegis, Golaha shacabkana xaq ayuu u leeyahay in uu sidoo kale dib-u-eegis ku sameeyo.

Xildhibaan Maryan Carif oo sheegtay in dowladda ay mas’uul ka tahay Amniga iyo siyaasadda dalka iyada oo intaasi raacisay in wixii dhacay ay qalad ahaayeen balse aan dowladda loo dumin Karin

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo xildhibaanada weydiiyay sidee arrinta qalbi-dhagax looga doodi karaa iyada oo aan laheyn nuqulka heshiisyadii la galay

Ibrahim Yarow oo sheegaya in ay tahay in Amniga iyo siyaasadda dalka looga dambeeyo xukuumadda, shacabkana aaney arrintaasi qalad ka fahmin

Xildhibaan Cabdiqadir Baqdadi oo xukuumadda Ku dhaliilay arrinta Qalbi-dhagax isaga oo intaa raaciyay in qadiyadda meesha ay ka istaagtay xukuumadda ay qalad aheyd.

Sida uu ku soo waramayo weriyaheenna arrimaha golaha shacabka Cabdifitaax Kalgacal Xildhibaannada golaha shacabka waa kala tageen, Hoolka wax yar ayaa ku haray, Laakin 4 ayey u kala baxeen, oo doodda oo kooban waxaa ay u dhacday sidan:

(1) Qeyb Xildhibaanna ah oo soo jeediyay in arrinta Qalbi-dhagax guddi loo soo saaro, (2) Qeyb ku doodeysa in heshiisyada dhammaan la keeno golaha si doodad arrinta Qalbi-dhagax loo galo. (3). Qeyb xukuumadda Kheyre si xun ula dagaalsan oo in lala xisaabtamo oo la tuuro rabto. (4) iyo qeybta ugu dambeysa Xildhibaannada oo Xukuumadda aaminsan, lehna iyada ayaa mas’uul ka ah amniga iyo siyaasadda dalka.

Wararkan kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News