U bood dhigaalka

Akhriso: Dowladaha Mareykanka Gargaarka Ugu Badan Ka Qaata Hadana Ka Soo Horjeestay

Sheeko:Dalka

10 Dowladood ee kaalmada ugu badneyd ka helay Mareykanka sanadkii lasoo dhaafay ayaa intoonada badan ama ka codeeyay go’aanka Mareykanka ee Qudus ama ka aamusay.

Sida ku qoran website-ka “Wakaaladda Mareykanka ee Horumarinta caalamiga ah” ee USAID dowaldaha kaalmada ugu badan ka helay Mareykanka 2017, waxaa ugu horreeyay dalka Ciraaq, halka aaney Soomaaliya kasoo dhex muuqan liiska tobonka dal ee uu Mareykanku lacagaha ugu badan ku bixiyo, waxaa kasoo dhex muuqday, koonfurta Suudaan oo inaga kaalmo badan iyo Tanzania oo la mid ah.

1 .Ciraaq, waxay Mareykanku sanadkii ku maalgeliyaan 5.28 Bilayn oo dollar.

2 .Afghanistan: 5.06 bilayn oo dollar.

3 .Masar: 1.23 billion oo dollar.

4 .Urdun: 1.21 billion oo dollar

5 .Kenya: 1.14 bilyan oo dollar.

6 .Ethiopia : 1.11 billion oo dollar.

7 .Pakistan: 778 milyan oo dollar.

8 .Nigeria: 718 milyan oo dollar.

9 .Koonfurta Suudaan: 708 milyan oo dollar.

10 .Tanzania: $629 milyan.

Hadaba, 10 kaa dowladood sagaal ka mid ah ayaa u codeeyeen go’aanka Mareykanka lagaga soo horjeedo, halka Koonfurta Suudaan iyo Keynya ay sheegeen in ay ka aamuseen

Si kastaba, Safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley Ayaa Arbacadii ku hanjabtay iney hoosta ka xariiqi doonaan dowladaha Mareykanku uu kaalmada siiyo ee ka codeeya. Iyadoo ay u muuqato in hanjabaadaasi aaney wax saameyn ah yeelan, fadeexad iyo weji gabaxna ay ku noqotay Mareykanka iyo waliba Israel.