U bood dhigaalka

Akhriso: Heshiiska Iskaashiga Cusub (New Partnership) Ee Soomaalida Iyo Beesha Caalamka Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Shirkii Soomaalida loogu qabtay London 11-kii May ee bishan waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo lagu badalay barnaamijkii New Deal-ka, qorshahan cusub oo loo bixiyay New Partnership(Heshiiska iskaashiga cusub) waxaa Soomaaliya lagu hagi doona sanadaha soo socda.

New Partnership waxaa heshiis cusub oo ay isla galeen Soomaalida iyo beesha caalamka, waxaa ku jira arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, dastuurka, haweenka iyo caruurta, waxaa kale oo xoogga lagu saaray xiriirka ka dhaxeeya qorshaha qaran ee NDP iyo New Partnership, kaalinta madasha iyo beesha caalamka iyo qodobo kale.

New Partnership waxaa looga hadlay in deeqaha beesha caalamka ay bixiyaan maamuulaan Soomaalida, qeyb ka noqdaan miisaaniyadda dowladda, lagu dhiso hey’adaha dowladda federaalka ah, lana yareeyo khataraha deeqaha sida hurinta colaadaha.

New Partnership waxaa lagu xusay dhameystirka dastuurka, in la hirgeliyo qorshaha amniga, ilaalinta xuquuqul insaanka, In haweenka ka qeybgalaan siyaasadda, lana dhameeyo gudniinka fircooniga,  dhiirigelinta dhalinyarada iyo in laga shaqeeyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso Heshiiska Cusub Ee New Partnership-ka Oo Dhameystiran:

Horudhac:

Doorashadii 2012-kii dhacday waxaa ka dhashay in si nabad ah ay doorasho u dhacdo 2016/2017 oo weliba hoggaan cusub la doorto.

New Deal-kii Soomaaliya ee 2013-kii waxaa ay ujeedadiisu aheyd in Soomaalida iyo beesha caalamka ka wada shaqeeyaan dhismaha dowladnimada iyo in la gaaro horumar dhaqan-dhaqaale, wax badan oo horumar ah ayaa heshiiskaan laga gaaray, cashirradii laga bartay waa in ay qeyb ka noqdaan hirgelinta heshiiska cusub ee New Partnership-ka.

Beesha caalamka waxaa ka go’an fulinta barnaamijka dowladda federaalka ah ee National Development Plan (NDP), dowladda Soomaaliya waa in iyada degsataa qorshaheeda, kana shaqeysaa fulinta barnaamijkaasi.

National Development Plan (NDP) iyo New Partnership waxaa ay sii wedi doonaan ama ku sii shaqeyn doonaan qodobada muhiimka ah ee barnaamijkii hore ee New Deal-ka inta muhiimka ah.

Key Elements of the New Partnership for Somalia:

  • Xiriirka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waa in lagu jaangooyo ilaalinta qaranimada Soomaaliya iyo in hoggaanka Soomaalida ay go’aan ka gaaraan horumarka dalka iyo xataa baahida deeqa iyo taageerada kale ee Soomaaliya la siinayo in iyaga-Soomaalida-ka soo go’do…qodobadaas waxaa ay ka mid yihiin kuwoo laga keenay New Dealkii.
  • Heshiiskan cusub ee New Partnership , waxaa uu isku xirayaa arrimaha siyaasadda, amniga, horumarka iyo u hoggaansanaanta sharciga, waa arrimo lagu xusay qorshaha dowladda Soomaaliya ee National Development Plan.
  • Heshiiskan New Partnership waxaa la socdo heshiiska Amni oo dhigaya in AMISOM ay talada amniga ku wareejiso ciidamo Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay 2018-ka.
  • In la ilaaliyo amniga shacabka, la damiyo colaadaha, la ilaaliyo xuquuqda haweenka, dhalinyarada, caruurta, dadka nugul iyo berimageydada.
  • Xuquuqda Haweenka iyo gabdhaha waa u muhiim horumarka, Gender equilty waa u muhiim horumar kasta oo xagga nabadda, caafimaadka iyo dhaqaalaha ah, xuquuqda aadanaha iyo Gender equity waa in ay dhinac socdaan dastuurka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah, iyo fulinta qorshayaasha NDP iyo NPS.
  • In dowladda iyo shacabka isla xisaabtamaan, waxaa arrintaasi qeyb ka ah dajinta system-ka hey’adaha maaliyadda iyo canshuuraha.
  • Dowladda Soomaaliya waa in ay awood u heshaa fulinta adeegyada, soo jiidashada maalgelinta iyo in ay isfahmaan hey’adaha maaliyadda ee caalamka si deymaha looga cafiyo.
  • Si loo helo dowlada federal ah oo howl fiican qabata, awoodna leh waxaa in la sameeyaa dastuur kama dambeys ah oo dalka lagu dhaqo.
  • Waa in la kala saaro awoodaha dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada iyo dhammaan heshiisyada arrintaas la xiriira.
  • Guusha laga gaarayo heshiiska New Partnership kuma xirna oo keliya isfahamka hey’adaha deeqaha bixiya iyo dowladda federaalka ah ee waa in bulshada Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdaan oo ay ku jiraan non-governmental actors gudaha iyo dibadda si loo fuliyo  National Development Plan iyo in la helo dowlad wanaag.
  • Bulshada rayidka ah iyo private sector-ka waa in ay qeyb ka noqdaan isla xisaabtanka iyo hirgelinta qorshaha dowladda ee National Development Plan iyo in la diiwaangeliyo lana meelmariyo sharciyada NGO’s-ka sanadkan 2017-ka.

The mutual accountability framework:

In deeqaha noqdaan kuwoo la saadaalin karo iyo la flexible ah kuwaas oo weliba la jaan-qaadi kara baahida dowladda federaalka ah, Isla xisaabtan labada dhinac ahna waa in uu dhacaa sida, Beesha caalamka in ay bixiso deeqaha iyo in dowladda federaalka ah ay ka shaqeyso maamul wanaagga.

Use of country systems (UCS): in dalka laga hirgeliyo model cusub, waxaa ka mid ah in dowladda ay deeqaha ka hesho qarash dhan 15%, lana sameeyo sanad walba wax la taaban karo.

Heshiiska waxaa uu dhigayaa in NPS iyo NDP uu dhex maro isla xisaabtan dhab ah oo labada dhinac ah, waxaa kaloo isla xisaabtanka qeyb ka ah dadka canshuuraha ku bixiya dalalka deeqaha laga soo qaadayo.

In la qiimeeyo horumarka laga gaaro NPS iyo NDP

Monitoring Framework:

  1. Waa in la qiimeeyo National Development Plan, sanadkii 2 jeer waxaa qiimeynaayo madasha ama waxa loo yaqaano High level partnership.
  2. Waa in la qiimeeyo New Partnership, sanadkii 2 jeer waxaa lagu qiimeynayaa kulanka ay yeelanayaan madasha(High level partnership) iyo SDRF steering committee.

Architecture for planning and coordination

Iyada oo laga ambaqaadayo heshiiska Soomaalida, qorshaha deeqaha waxaa maamulaya Aid Coordination Unit (ACU) iyada oo lagu shaqeynayo qorshayaashii 5ta ahaa ee lagu soo koobay PSGs ee lagu dejiyay New Dealka.

Waxaa arrintaasi ka wada shaqeeyay hey’ado kala duwan sida kulan bille ah oo ay yeelan jireen Somali Development and Reconstruction Facility(SDRF) iyo HLPF ama madasha oo kulmi jiray 2 jeer sanadkii.

Qorshaha National Development Plan waxaa ku jira qaabeynta Aid Coordination Unit, waxaa kale oo lagu heshiiyay in hirgelinta NDP iyo NPS ay la socdaan HLPF iyo SDRF.

The Way Forward:

Heshiiska New Partnership Soomaalida iyo beesha caalamka waxaa ay ka wada shaqeyn doonaan sidii lagu gaari lahaa horumar iyo barwaaqo dhan walbo ah.

Partnership Principles and Enabling Action:

  • Developments is Somali-owned and Somali led and aid is aligned with government priorities:  Horumar kasta waa in ay hoggaamiyaan Soomaaliya iyo in deeqaha lagu saleeyo baahida Soomaalida
  • Aid operation are designed and delivered in partnership institutions: Deeqa la bixinaayo in lagu soo hagaajiyo dowladda
  • Aid is provided in line with government budget cycle: Xilliyada deeqaha la bixinaayo waa in ku dhex shaqeeyaan miisaaniyadda dowladda isla markaana waqti ahaan la jaan-qaadaan, lana xoojiyo dhaqaalah dowladda.
  • Aid is supports institutional capacity development: Deeqaha in lagu dhiso hey’adaha dowladda, kana shaqeeyo horumarinta.
  • Aid is provided in coordinated, flexible transparent and predictable manner: Hey’adaha deeqaha bixiya waa in ay ka dhaxeyso wada shaqeyn iyo isla howlgelid, si weliba ay daah furnaan ku jirto.
  • Aid is provided in a conflict sensitive manner:  in la yareeyo waxyeellada deeqa, lana kordhiyo ka faa’ideysa deeqaha, waa in deeqaha aaney ka qeyb-qaadan hurin colaado ee ay ka shaqeeyaan nabadda iyo dhismaha dowladnimada
  • Aid programs addressing humanitarian and development needs: In deeqaha aan lagu tiirsanaan oo la dhiso kaabayaasha dhaqaale.

Key Themes, Shared Goals and Objectives:

  • Political Settlement: Waxaa ka mid ah in dastuurka la dhameystiro, in siyaasadda arrimaha dhiman ku heshiiyaan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada sida xuduudaha iyo qeybsiga kheyraadka, waxaa intaa dheer in meel la saaro maqaamka Muqdisho.
  • Sucurity: In la meelmariyo qorshaha amniga ee dowladda ee maamul goboleedka ku heshiiyeen iyo qorshihii amniga ee London ku meelmariyeen Soomaalida iyo beesha caalamka, waxaa kaloo la isku xiray horumar amni iyo mid dhaqaale, in laga shaqeeyo in AMISOM ay talada ammaanka dalka ku wareejiso dowladda federaalka ah, in laga shaqeeyo in si aan dagaal eheen lagu soo xero geliyo kooxaha mayalka adag iyo in la sameeyo qorshe ay ku wada shaqeyn karaan Soomaalida iyo beesha caalamka.
  • Rule of Law:  In Dastuurka lagu soo daro sharciga xuquuqaha oo ilaalinaya xuquuqda muwaadinka iyo dadka kale, in Cadaaladda ku heshiiyaan dowladda iyo maamul goboleedyada, in la sameeyo guddiga madaxabannaan ee xuquuqul insaanka, dhismaha maxkamadda dastuuriga ah iyo in la dhowro xuquuqda caalamiga ah, xuquuqda haweenka iyo xuquuqda dadka muhaajiriinta ah iyo xitaa barakacayaasha.
  • Rights of women and Girls:  In haweenka ka qeybgalaan siyaasadda, in laga hortago dhibaatooyinka haweenka loo geysto, in la dhameeyo gudniinka fircooniga ah iyo in haweenka iyo gabdhaha wax la baro.
  • Youth empowerment:  in la taageero dhalinyarada, in la dhiirigeliyo dhalinyarada hal-abuurka leh, in la tababaro xilliyada fasaxa iyo in dhalinyarada loo helo barnaamij dhaqan celin.
  • Financila economic management: in dowladda ka shaqeyso dhismaha hey’adaha maaliyadda, in si dhaw loola shaqeeyo IMF barnaamijkeeda SMP iyo barnaamijka Bangiga adduunka ee PEFA, in canshuuraha kor loo qaado, in maalgelin la helo iyo ugu dambeyn in laga shaqeeyo cifinta deymaha.
  • Growth, Economic recovery and resilience: In la sameeyo koboc dhaqaale, dhaqaalaha in uu cagaha isku taago, in bulshada rayidka ah iyo private sector-ka ka shaqeeyaan la socodka dhaqaalaha iyo in Soomaalida iyo beesha caalamka ka wada shaqeeyaan hirgelinta barnaamijka qorshaha dowladda ee NDP
  • Inclusion and Regulation: In bulshada qeybahaheeda kala duwan sida bulshada rayidka ah iyo private sector-ka laga qeyb geliyo hirgelinta qorshaha dowladda ee NDP.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News