U bood dhigaalka

Akhriso: Heshiisyada Ay Kala Saxiixdeen Sacuudiga iyo Mareykanka

Sheeko:Dalka

Maalinta shalay, ka hor kulanka uu Trump maanta ooo Axad ah la yeelan doono madaxda Carabta iyo Islaamka waxaa uu magaalada Riyadh heshiisyo militari iyo kuwoo dhaqaale kula galay dalalka Sacuudiga .

Trump oo la guddoonsiiyay abaalmarinta Boqor Cabdicasis-aasaasaha boqortooyada-waxaa ay isaga iyo boqor Salmaan kala saxiixdeen  “Aragtiga iyo Istaratiijiyadda U dhaxeysa Labada dal”, waxaa kale oo jiray heshiisyo kale oo heer wasiir ah iyo qaar ay wada galeen shirkadaha iyo ganacsatada labada dal.

Heshiisyada:

Heshiiska waxaa lacagta ku baxeysa lagu qiyaasay in ka badan 280 Bilyan oo Dollar, waxaa uu ku jira aqoon, warashado iyo fursado shaqo in la is dhaafsado.

Dhinaca kale, wasiirrada Gashaandhigga labada dal, waxaa ay kala saxiixdeen heshiis dhigaya sidii loo horumari lahaa ciidamada Sacuudiga, waxaa ku jira in diyaaradaha qumaatiga u kaca lagu sameeyo gudaha Sacuudiga iyo 4 heshiis kale oo ku saabsan sameynta qalabka militari, Tecknoljiyadda, Tamarta, Labo heshiis oo wax soo saar tayo badan ah, labo heshiis oo kaabayaasha dhaqaale ah iyo heshiis kale oo ay la galeen Mareykanka shirkadda Aramco ee ka shaqeysa saliidda.

Heshiisyada Mareykanka iyo Sacuudiga kala saxiixdeen waxaa ka mid ah 3 heshiis oo ku saabsan, heshiis ku saabsan dhismaha iyo kor u qaadista Isbitaallada Sacuudiga, Heshiis ku saabsan in Riyadh soo iibsato diyaarado, Heshiis Digital ku saabsan, heshiis ku saabsan ganacsiga dhulka iyo kuwo kale.

Goobjoog News