U bood dhigaalka

Akhriso: Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka…Qodobbada Ugu Muhiimsan

Sheeko:Dalka

Sharcigan isgaarsiinta qaranka oo ka soo gudbey Wasiirrada iyo golaha shacabka, haatanna maraya aqalka sare, waxaa uu ka kooban yahay 70 qodob, waxaana ugu muhiimsan dhismaha hey’adda isgaarsiinta qaranka iyo sharciyada ay ku shaqeyn doonaan.

Hadaba, Wax Ka Baro, Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka:

Awoodaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka waxaa ka mid ah: Awoodda maamulka isgaarsiinta sida rukhsad bixinta, waxaa ay geli kartaa heshiisyo, waxaa yeelan kartaa, heysan kartaa ama kireysan kartaa hantida guurtada ama ma guurtada ah si waafaqsan sharciga maaliyadda, Talo bixin, Canshuuraha, talo bixinta tariifadaha, lambarada iyo kobcinta tartanka isgaarsiinta, Xallinta khilaafaadka shirkadaha, ilaalinta xuquuqda macaamiisha sida sirta macaamiisha, tariifada adeegga, helidda adeegga iyo diyaarinta habka loo bixinayo shatiyada.

Waa Hey’ad madax bannaan oo leh shakhsiyad qaanuuni ah, waxaa ay maamul ahaan hoos tagtaa wasiirka wasaaradda isgaarsiinta, sidoo kale miisaaniyadeeda waxaa ay ka mid noqoneysaa miisaaniyadda guud ee dowladda.

Hey’adda Isgaarsiinta waxaa ay ka koobnaan doontaa: Hey’adda maamulka(board of directors), Maareeye guud, maareeye ku-xigeen iyo waaxyo kala duwan.

Dhanka Maamulka: Hay’adda Maamulka waxaa uu ka kooban yahay sagaal (9) xubnood oo ka kala imaanaya, 2 xubnood Wasaaradaa Boostada iyo Isgaarsiinta; 4 xubnood Shirkadaha Isgaarsiinta,  3 xubnood (xirfadlayaal) ka imaanaya qaybaha (sector) isgaarsiinta dalka. 1 (hal) xubin Bulshada Rayidka ah , 1 (hal) Qareen oo ka imaanaya Xafiiska Garyaqaanka Guud  iyo  Maareeyaha iyo Ku-xigeenkiisa.
Mas’uuliyadaha Hey’adda waxaa ugu muhiimsan: Meelmarinta miisaaniyadda, la socodka dhaqan gelinta sharciga, ansixinta shaqaale qorashada iyo in ay wasaaradda u gudbiyaan warbixin la xiriirta qaabka maamulka hey’adda.

Shuruudo: Waxaa ka mid noqon kara qof kasta oo Soomaali ah, deggen dalka, da’diisu aysan ka yarayn 30 sano, dhimir ahaan fayo-qab yahay, uusan laheyn fal-dembiyeed, leeyahay xirfad aqooneed heer jaamacadeed ugu yaraan 5 sano, waa in uu leeyahay labo ka mid ah xirfadahan: Aqoonta sharciga, aqoonta arrimaha macaamiisha, aqoonta isgaarsiinta, aqoonta Tecknolojiyadda casriga iyo aqoonta maamulka iyo dhaqaalaha.

Iska hor-imaadka Danaha is-diidan: Madaxda sare ee hey’adda iyo cid kasta oo ka tirsan shaqaalaha waxaa ka reeban ka shaqeynta arrin ka hor-imaanaysa go’aan-ka-gaarista arrinta laga hadlaayo sida: danaha dhaqaale ee gaarka ah, danaha dhaqaale ee la xiriira xaasaskooda, qof ka mid qoyskooda iyo qaraabadooda, dano dhaqaale hey’ad uu saami ku leeyahay, hey’ad uu u shaqeeyo..haddii arrimahaas dhacaan waa labo midkood: inuu ka cudur-daarto ka qeyb-galka go’aannada arrimahaas ama inuu iska wareejiyo isaga oo sheegaya sababta.

Bixinta Hirarka: Hey’adda waxaa ay qorsheyneysaa isla markaana maamuleysaa shaxda qoondada iyo bixinta hirarka qaranka, waxaa ay aqoonsaneysaa hirarka isgaarsiinta hey’adaha hadda jira horay u isticmaaleen ayada oo la waafajinayo sharciga, waxaa hirarka la siinayaa: hey’adaha amniga qaranka, dab-demiska, hey’adaha warbaahinta iyo shirkadaha isgaarsiinta.

Dhanka Rukhsadda: Hey’adda ayaa bixineysaa ayada oo ku bixineysa muddo cayiman, waxaa go’aan lagu gaarayaa 14 maalmood oo maalmo shaqo ah, qiimaha waa xadidaya hey’adda isgaarsiinta qaranka, waxaa kale oo shirkadaha laga doonayaa in ay cusbooneysiiyaan rukhsadda inta aaney dhicin, waxaa xusid mudan in hey’adda isgaarsiinta qaranka awood u leedahay in rukhsadda la noqoto.

Go’aannada Hey’adda waa in ay ku saleysan yihiin daah-furnaan, hey’adda waxa ay ogolaaneysaa in shirkadaha ka qeyb noqdaan wada tashiga, arrinta kasta waxaa ay ku soo saareysaa qoraal, go’aannada hey’adda waxaa ay noqon karaa tallaabo walbo oo la jaan-qaadi karta duruufaha dalka, waxaa ay diidi karaa codsi kasta oo ka hor imaanaya sharciga.

Dhibbane: Cid kasta oo ku noqota dhibbane sabab la xiriirta tallaabooyinka iyo go’aannada hey’adda isgaarsiinta, waxaa ay codsan karaa dib-u-eegis, cid kasta oo waxyeello ka soo gaarto go’aanka hey’addan waxaa ay ay racfaan u qaadan karaan maxkamad awood u leh.

Dhanka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa laga doonayaa in ay soo diyaariso siyaasadda guud iyo qorshaha isgaarsiinta, istaraatiijiyad lagu fulinayo baaxadda adeegga isgaarsiinta, dhiiri-gelinta shirkadaha isgaarsiinta wadaniga ah, kormeeridda iyo la-xisaabtanka hey’adda isgaarsiinta qaranka, wacyigelinta bulshada ee macluumaadka isgaarsiinta, ilaalinta habsami u socodka adeegga isgaarsiinta iyo Internet-ka, kormeeridda shirkadaha isgaarsiinta.

Wasiirka Isgaarsiinta waxaa uu leeyahay: Sameynta, kormeerka iyo go’aan-qaadashada siyaasadda guud ee isgaarsiinta dalka

La gor-gortanka iyo dhaqan-gelinta heshiisyada isgaarsiinta caalamiga ah ee lagu galo magaca Soomaaliya, U matalidda Soomaaliya goloyaasha caalamiga ah iyo caawinta hey’adda ee dhanka hawl-galka iyo helidda dhaqaale lagu hormariyo qeybaha.

Qorshaha Lambar-bixinta Qaranka: Waxaa reeban in la isticmaalo lambarada qaranka, iyada oo aan loo heysan rukhsad ay bixisay hey’adda isgaarsiinta qaranka, furaha qaranka ee 252 iyo sumadda qaranka dot So(domain) waa hanti dowladduu leedahay, waxaana u xil saran hey’adda isgaarsiinta qaranka, hey’adda isgaarsiinta qaranka ayaa qoondeyneysa qaabka loo isticmaalayo lambarada dalka, hey’adda waxaa ay leedahay awood ay ku ilaaliso, kuna sameyso xeer nidaamiye habka loo isticmaalo qorshaha qoondeynta iyo bixinta Lambarada qaranka, adeeg bixiyeyaasha waxaa ay xaq u leeyihiin in ay helaan lambaro ku filan baahidooda si ay u bixiyaan adeegga isgaarsiinta, waxaa kale oo sharciga ku xusan hab qeexaya diidmada qeyb ama dhammaan codsi la xiriira isticmaalka lambarada iyo diiwaangelinta shabakadaha bixiya adeegga Internet-ka  haddii ay dhacaan: codsaduhu aanu heysan rukhsad uu ku bixin karo adegga, codsigiisu aanu waafaqsaneen qorshaha ama qoonada iyo haddii ujeedada isticmaalka Lambarka la codsaday ay halis ku yihiin jiritaanka shirkadaha isgaarsiinta iyo amniga qaranka sida Khiyaano.

Dhanka Tartanka Suuqa: Waa tartan ganacsi oo xor ah, hey’adda ayaa iska leh kormeerka iyo go’aan ka gaarista tayada adeegga, waxaa ka reeban rukhsadle kasta oo bixiya adeeg isgaarsiineed oo ay hey’adda ogolaatay, inuu ku kaco fal ujeedadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo tartanka suuqa xorta ah ee isgaarsiinta dalka, haddii lagu helo waa la ganaaxayaa, waxaana loo gudbin karaa maxkamad, waxaa kale oo la fiirinayaa anshaxa isticmaalka adeegga ay shirkadaha bixiyaan, waxaana waajib ah in la ilaaliyo amniga qaranka, waxaana la farayaa shirkadaha in ay diiwaan-geliyaan dhammaan dadka iska leh lafaha(SIM Cards) Telefoonada, si loo sugo milkiyadda iyo xuquuqda gaarka ah.

W/Q: Yussuf Osman Ali

Email: [email protected]

Goobjoog News