U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbad Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqalka Sare Uga Hadlayo Wax-qabadka Golaha Ee Sanadkii Tagay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa xalay Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu soo xirayey kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare, marka laga soo tago ka soo qeyb-galka guddoonka golahaasi iyo Senatorrada waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha maxkamadda sare mudane Ibrahim Iidle Suleyma, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Thabit Cabdi, Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey), safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mr. Oglan Bekar, Xildhibaannada federaalaka, Xildhibaannada goleyaasha maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Guudoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo goobta ka hadley waxaa ay ku dheeraadeen ahmiyadda golaha iyo shaqada hor-taallo iyaga oo dhiirigeliyay in loo baahan yahay in ay labada gobole ka wada shaqeeyaan horumarinta hey’adaha dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa xafladda waxaa uu ka hor akhriyay sooyaalka Aqalka sare ee muddadii sanadka ahaa ee uu shaqenayey.

Halkan Ka Akhriso, Khudbaddii Guddoomiye Abshir Maxamed Oo Dhameystiran:

Sida aan la socotaan nidaamka federaalka ah ee dalkeennu qaatay waxaa uu soo bilowday muddo laga joogo 13 sano, hase yeeshee waxaa uu si rasmi ah u bilowday dhaqan-galkiisa 6dii sano ee la soo dhaafay, markaas oo dhinaca nidaamka federaalka ah loo qaaday tillaabooyin aad muhiim ugu ah dowladnimada, midnimada, wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna, Tillaabooyinkaas waxaa ka mid ah(1) ansixinta dastuurta federaalka ah ee Soomaaliya ee KMG ah (2) dhismaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah badankood marka laga reebo Puntland oo hadda 20 sano jirsatay ahna dowlad goboleedka ugu da’da weyn hey’adaha federaalka ah ee hadda jira.

Dastuurka federaalka ah ee la ansixiyay 2012, waxaa uu wax weyn ka badalay heykalka baarlamaanka Soomaaliya oo markii hore ahaa hal gole laga soo bilaabo 1956-dii-2012, isaga oo u badalay baarlamaanka ka kooban 2 gole oo kal ah: Golaha aqalka sare oo ka tarjumaya midnimada iyo wadajirka dalka maadaama uu u xil-saaran yahay dalka ilaalinta nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya oo ah nidaam dowladeed oo jamhuuriyadda ku dhisan tahay iyo golaha shacabka oo aha qalkii 2aad ee soo jireenka ah.

Hase ahaatee, golaha aqalka sare ayey suuro-geli weysay wixii ka horeeyay 2012-kii maadaama dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah aaney badankooda dhisneen markaas, kuwaas oo ay tahay in uu ku matalo hey’adaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa uuna si rasmi ah u howl-galay 28kii December  2016 markaas oo xubnihiisa loo dhaariyay xubinnimada golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya

Muddada sanadka waxaa uu golaha yeeshay 2 kalfadhi oo midkiiba uu soconayey 4 bilood, kulamada uu yeeshay waa 51 fadhi, kalfadhigii 1aad(28 fadhi), kalfadhigii 2aad oo hadda soo dhamaaday (23 fadhi).

Kalfadhiga 1aad, golaha waxaa uu aad ugu mashquulay saldhigashadiisa iyo howlgalintiisa isaga oo xoogga saaray hirgelinta  lagama maarmaanka u ah habsami-u-socodka howlihiisa, waxaa ka mid ahaa howlahaasi:  doorashada guddoonka golaha, sameynta xeer-hoosaadka golaha ku shaqeynayo, sameynta astaanka aqalka sare loo aqoonsado oo caawa halkan ka muuqato, dhisidda guddi-hoosaadyada golaha ee hal-bowlaha u ah socod-siinta shaqooyinka golaha iyo qorista iyo qaadashada shaqaalaha iyo hawl-wadeennada kala socod-siinaya howlaha aqalka.

Mudanayaal, dhammaan howlahaasi u qabsoomay kalfadhiga 1aad waxaa hirgeliyay guddiyo KMG ah oo habeen iyo maalinba u shaqeynayey in goluhu u howl-galo si degdeg ah taas oo lagu guuleystay in miro-dhalkeeda aad caawa marqaati u noqotaan.

Markaan eegno kalfadhigii 2aad ee hadda soo idlaaday waxaa u qabsoomay howlo aad iyo aad u fara-badan, lagama maarmaanna u ah dowladnimada kor-joogteynta, xeer-dejinta iyo matalaadda, isaga oo hiigsanaya guddiyadiisa kuwaas oo mar walba horkeenayey fadhiga guud ee golaha si go’aan looga gaaro, howlahaasi waxaa ka mid ahaa: hindise sharciyeedyo dhowr ah kuwaas oo goluhu si taxadar leh uga baaraan-dagay iyada oo lagu sad- goynayey danaha guud ee qaranka isaga oo mid ka mid ah la meel-mariyay halka kuwa kalana u madlan yihiin kalfadhiga soo socda.

Mudanayaal goluhu waxaa uu soo saaray qaraaro muhiim ah socod-siinta howlaha aqalka iyo xoojinta nidaamka federaalka ah kuwaas oo qeyb ka ah xilka aqalka, adkeyna iyo dar-dar gelinta xiriirka labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliyeed iyo goleyaasha xeer-dejinta dowlad goboleedyada si loo xoojiyo, loona joogteeyo arrimaha lama huraanka u ah nidaamka federaalka ah.

Geedi Socodka dib u eegista dastuurka iyo sameynta xeerar heer qaran ah, kuwaas oo dhammaantood weyb ka noqonaya daadihinta aan ku han-weyn nahay.

Mudanayaal ugu dambeyntii, golahan waxaa uu u dhisan yahay ilaalinta dowladnimadeenna ku dhisan nidaamka federaalka ah oo ah rajada keliya oo hadda muuqata taas oo dib loogu soo yagleeli karo dowladnimada buuxda oo ku dhisan dimoqoraadiyad iyo talinta sharciga, ujeedkeeduna yahay u adeegidda danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta baraaradooda.

Mudanayaal ugu dambeyntii, waxaa leeyahay mar kale waxaan idiin ku soo dhowynayaa golaha aqalka sare, waxaan idiin kaga tagayaa sanad cusub, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha midowdo, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha midowdo, aad iyo aad ayaan u mahadsan tihiin, habeen wanaagsan”

Goobjoog News