U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbadaha Aqalka Sare Ay Ka Jeediyeen Madaxweynaha Maamul Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah oo uu shir guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) waxaa maanta marti ku ahaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Kulanka oo loogu magac-daray is-xog-wareysi waxaa furay guddoomiye Bukhaari isaga oo hor-u-dhac ku sheegay waxa u qabsoomay golaha kalfadhigii hore iyo midkan, kadib waxaa ku soo dhaweeyay madaxda maamul goboleedyada  Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfuur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali oo goobta ka hadlay waxaa uu sharaxay shirkii Muqdisho ka dhacay “Shrikii aan halkaan u nimid waxaa uu dhexmaray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada xubnaha ka ah, runta waxaa waaye  in la heshiiyo  waa waajib, waana wax lagu qasbanyahay,  waxaa qasbaya Soomaalnimada, waxaa qasbaya xaaladda  uu dalka ku jiro, waxaa qasbaya mas’uuliyadda qof walba saaran ama ha noqdo madaxweyne dowlad goboleed ama ha noqdo madaxweyne Fedaraal mas’uuliyadda nasaaran ayaa qasbeysa”

Gaas oo sii hadlaya waxaa uu leeyahay “Shalay ayey aheyd markii runtii aan lahaa dad annaga hadda aan na dooran oo cod nagu laheyn oo waxa aan sameyneyno aan ku laheyn fikir,  oo waxa naga dhaxeeyo oo aan ku murmeyno  talo iyo xog ku laheyn ayaan mustaqbalkoodii isticmaaleynaa,  waa jiilalka soo socda maalin walba dowlad ayaa la dhisaa, afarsano ayey jirtaa waa la murmaa waqtiga sidaas ayuu oga dhamaadaa. Aqalka sare maanta waxaad tihiin hay’adda dalka ugu muhiimsan marka la eego awoodihiina dastuurka waa inuu sida saxda ah uu u dhigaa aqalka sababtii loo dhisay ayaan ognahay”.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo sidoo kale goobta ka hadlay arrinta federaalka ‘Aqalkan waxaa uu ku dhisan yahay waa federal, waxa aad isugu timaadeen waa federal, waxa naga dhaxeeya waa federal, ma aha in Soomaaliya la kala goygoynayo ee micnaha waxaa uu yahay, war bal sidee wax lagu noqdaa, isku keenistooda, horusocodkooda iyo wadistooda’

“Inta aan wax kale la sameyn in la saxo dastuurka ayey aheyd waxa siyaasad ahaan ugu heshiinay, taa maxaa ka soo baxaya, aqalka sare oo maanta aan fadhinno ee aan leenahay waa uu na matalaa, oo dowlad goboleedyada ayuu matalaa, oo federalka ayuu matalaa in isaga laftiisa la aqoonsado shaqada weyn ee uu noo hayo, maanta lama yaqaano aqalkan waxa uu yahay……daa daraadeed idinka, aqalka golaha shacabka, xukuumadda iyo maamul goboleedyada laga wada shaqeeyo waxaan heshiis ku nahay oo dastuurkaas ah laga wada shaqeeyo, oo la meel-mariyo, haddii taasi dhici-weyso waa la is-qab-qabsan”

Madaxweynaha Koonfuur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa uu soo qaatay in aqalka uu wax badan iftiimiyo “Federaalka si kastaba ha noqdo, muddo badan ayaa la hadal hayey, laakin qoladii bilowday oo Senatarro noqday idinka ayaad noqoteen, marka waxaa idiin-rajeynaa in taariikh fiican, bilow fiican iyo waddo ay umada ku guurto, ku wanagaasanaato, oo ay ku wada heshiiso, shakiga iyo dhibaatooyinka kale kuwii bixinayey in aad noqotaan…Marka sharciyaddii iyo aragtidii lagu gaarsiin lahaa, in aan la isku xoog sheegay, mar walbo inta xoogga leh waq qaadanin, kuwa xoogga leh iyo kuwa xoogga daranba in ay wax helaan, meesha dadka xoogga leh ka yimaadeen iyo meesha kalaba wadadan in ay iftiimiyaan dadka la rabo waa idinka”.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) waa uu golaha uu golaha ugu baaqay ka hortaggaan dhaqan guracan “Aqalkan waxaa loo yaqaan Sanet-ka waa aqalka odoyaasha, waa la sheegay in inta badan dad waaweyn tahay, idinka ayaa la idiinka rabaa wixii dhibaato Soomaali ku ah in aad ka hortagtaan haddii ay sharci tahay, haddii ay ficil tahay, haddii aad aragtaan dhaqan guracan idinka aya ala rabaa in aad ka hortagtaan

“Soomaali waxaa u sheegayaa intiina I horfadhida iyo inta bannaanka joogtaba sharciga hala ilaaliyo, haddii aad sharciga la ilaalin waxba socon maayaan. Xaaf waxaa uu ka codsaday Xildhibaannada aqalka sare in lagala shaqeeyo arrinta dib u heshiisiinta Ahlu-sunna iyo Galkacyo

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare waxaa uu sheegay in uu hadda bilaabi-doono dib u heshiisiinta 8 colaadood oo midba heer ay joogto isaga oo ka codsaday aqalka sare in ay kala qeyb-qaataan.

Goobjoog News