U bood dhigaalka

Akhriso Magacyada Murashaxiinta Guddoonka Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa saxaafadda u soo bandhigey murashaxiinta guddoonka aqalka sare.

Ilaa 16 murashax ayaa isu soo taagtey xilka guddoonka aqalka sare, labo murashax waxaa ay ku tartamayaan xilka guddoomiyaha aqalka sare halka min 7 musharax ay ku tartamayaan guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad.

Abaarihii 5-tii galabnimo ayey guddiga qaban qaabada xarunta aqalka ee KM Zero ku soo bandhigeen musharaxiinta,  waxaa goobta fadhiyay xildhibaan Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo ah guddoomiyaha guddiga iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan sida Xuseen S. Maxamud Xuseen Iyo Jawaahir Axmed Cilmi.

Murashaxiinta Guddoomiyaha Aqalka Sare:

Cabdi Xaasi Cabdulahi iyo Mustafa Maxamamud Qodax

Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqlka Sare:

Xasan Faarax Xujaale, Axmed Xaashi Maxamud, Cabdiwaxid Ilmi cumar, Abshir Maxamed Axmed, Cabdi Axmed Dhuxulow, Maxamud Axmed Mashruuc iyo Cabdirisaq Cusmaan Xasan.

Murashaxiinta guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ee Aqalka Sare:

Hodan Maxamud Cusmaan, Cusmaan Axmed Macow, Fartun Cabdiqadir Faarax, Sacdiyo Xasan Csumaan, Cabdikafi macalim Xasan, Mowlid Xussein Guhaad iyo Iftin Xasan Iman.

Halkan halkan ka akhriso magacyada Murashaxiinta guddoonka aqalka sare:

murashax