U bood dhigaalka

Akhriso Mooshinka:  Golaha Shacabka Oo Heshiiska Ciidamada Ku Timaamay Firkad Shishiiye, Kuna Taliyay 7 Qodob

Sheeko:Dalka

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo dood ka yeeshay mooshin ay soo gudbiyeen guddiga difaaca iyo xildhibaanno kale oo ka tirsan golaha ayaa iska diiday heshiiska ciidamada ee dhowaan la gaaray, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay mid shisheeye wato, mashruuc lagu qeybinayo awoodda iyo talada ciidamada qaranka, madaxweynayaasha maamul goboleedyada waxaa loo sheegay in ay dastuurka ilaaliyaan oo awoodooda gartaan isla markaana aaney Farmaajo la qeybsan awooddiisa dastuuriga ah.

Akhriso Mooshinka:

Guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo xildhibaanno kale oo isla golahaasi ka tirsan ayaa mooshin ka keenay shirkii madaxda qaranka iyo maamul goboleedyada ee ee looga hadlayey amniga iyo siyaasadda ee ka dhacay magaalada Muqdisho 15 & 16 April 2017-kii.

Xildhibaannada Mooshinka keenay waxaa ay soo qaateen in qodobada shirka ka soo baxay ka dhex-muuqato mid la wiiqayo awoodda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana awooddii dowladda dhexe loo weecinayo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo xildhibaannada mooshinka keenay waxaa ay ku doodayaan dhismaha ciidanka uu ka mid yahay ajendaha shirka London 11 May 2017, arrintaas oo sida ay xildhibaannada qoreen halis ku ah sumcadda, midnimada ciidamada qalabka-sida, awoodda difaaca dalka iyo abuuris caqabado la xiriira kala amarqaadashada ciidamada iyo taliyaashooda.

Xildhibaannada Mooshinka keenay waxaa ay leeyihiin heshiiska la gaaray waa mashruuc lagu qeybinayo awoodda iyo talada ciidamada qaranka, in ciidamada qaranka loo ekeysiinayo ciidamo qabiil oo xuduudaha dowlad goboleedyada waajibkoodu ku eg yahay.

Golaha shacabka waxaa ay soo jeediyeen in la tixgeliyo qodobka 54aad ee dastuurka ee qeexaya kala qeybinta awoodaha, gaar ahaan xarafka(B) ee caddeynaya in difaaca qaranka uu ka mid yahay awoodaha iyo mas’uuliyadaha dowladda federaalka ah oo aysan ka mid aheyn waxyaalaha ay ka wada xaajoonayaan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaa kaloo ay ku baaqeen in la dhowro in labada aqal ay soo saari karaan xeer maamulaya qaab-dhismeedka, shaqada iyo heerarka hey’adaha ammaanka ee jamhuuriyadda federaalka ah sida ku qoran qodobka 130aad ee dastuurka.

Guddiga Difaaca Waxaa Ay Golaha Shacabka U Soo Jeediyeen in U Go’aan Ka Qaato 7 Qodob:

  1. In qorshaha loogu magac-daray “Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay dastuurka Soomaaliya gaar ahaan qodobada sare ku xusan.
  2. In Qorshaha qaabaynta amniga qaranku uu u muuqdo mid meelo kale laga soo min-guuriyay, kaas oo aan ka tarjumeyn baahida loo qabo dib u dhiska ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya yeelaneyso balse taa badalkeeda ka muuqato mid ka dhabeynaya tuhunkii & shakigii dadka ka qabeen in la xagal-daacinayo dhismaha ciidamada qalabka sida iyo in Soomaaliya loo diidan yahay in ay yeelato ciidan qaran oo mideysan oo hanan kara sugidda amniga qaranka.
  3. In hanaanka dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hormuud ka noqoto wasaaradda gashaandhigga iyo taliyaasha ciidan ee hoos yimaada, loona madaxbaneeyo soo diyaarinta qorshaha dib u qaabeynta ciidamada xoogga dalka, qorshahan oo ugu dambeyn la horkeenayo baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo.
  4. In dowlad goboleedyada dalku ayagoo ilaalinaya dastuurka iyo federalnimada dalka ay dhistaan ciidamo ammaanka dowlad goboleedyada si ammaanka deegaanadooda ay u sugaan.
  5. In la taliyaasha arrimaha siyaasadda & amniga dowladda federaalka ah ay ku ekaadaan hawlaha la talinta ah, ayagoo dhowraya hawlaha wasaaradaha qaranka iyo mas’uuliyadda loo igmaday sidii ay u gudan lahaayeen faragelin la’aan.
  6. In hoggaanka dalka iyo hogaamiyaasha dowlad goboleedyadu ay ixtiraamaan kaalinta baarlamaanka Soomaaliya, oo aan dib loo soo celin madasha hogaamiyaasha qaranka ee lagu burburiyay baarlamaankii 9aad, iyadoo heshiis kasta iyo go’aan kasta oo hogaamiyeyaashaasi gaaraan la horkeenayo baarlamaanka si loo waafujiyo shuruucda iyo dastuurka dalka.
  7. In wasaaradda gaashaandhiggu ay dib u eegis ku sameyso sida ugu dhaqasaha badan shuruucda ay ku dhsian yihiin ciidanka xoogga dalka iyo in shuruucda kale ee la xiriira difaaca, si ay ula jaanqaadaan marxaladda la joogo, ayadoo meesha laga saarayo in ciidankeenu ku dhismo qaab sharci-darro ah iyo go’aan qayru-dastuuri ah.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News