U bood dhigaalka

Akhriso: Nuxurka Khudbaddii Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre Ee Jimciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa jimcihii waxaa uu ka hadlay fadhiga Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa isaga oo ka sheekeeyay dhibaatooyinka dalka ka jira, hor-umarada la gaaray, sida Soomaaliya u aragto caalamka iyo arrimo kale.

Ugu Horreyntii, waxaa uu Xasan Kheyre ka hadlay Nabadda isaga oo sheegay in sanadkan uu shirka ku soo beegmay iyada oo loo dabaal-degayo maalinta nabadda adduunka, waxaa uu  intaa raaciyay in hal-ku-dhegga kulanka Jimciyadda ee sanadkan ee ah “Nabadda iyo Duni nolol ku wanaagsan” uu ku soo aadayo sidoo kale iyada oo nabad, amni iyo helidda nolol fiican aaney soo dhoween.

Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu soo qaatay dalal badan oo dhibaato banii’aadnimo ka jiraan sida Syria,  Central African Republic, Rohingaha Myanmar,  Libya iyo weliba in meelo kale oo looloankooda sii kordhayo. Soomaaliya ayuu sheegay in ay sanado badan u nugleed dagaalo, gaajo iyo faqri taas oo keentay in dadka qaar gudaha ku barakacaan halka qaar kale ay dibadda u galeen safar khatar badan, waxaa uu soo jeediyay in ay muhiim tahay in dadka dhibka ka cararaya albaabada loo furo.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu khudbadda ku sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, wax bandanna laga qabtay amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, weliba qaab wax fiican ku soo kordhin kara gobolka, Qaaradda iyo dunida, isaga oo soo qaatay in dowladda ay ku dadaaleyso dakhli uruurinta. Caqabadaha heysta waxaa uu ku sheegay in ay ka mid yihiin deymaha, helidda maalgeshi shisheeye, isaga oo intaasi ku daray in xukuumadiisa ay isla shaqeeyaan hey’adaha maamliyadda adduunka, caalamkana uu taageero ka rabo.

Caqabadda kale, waxaa uu ku sheegay in tahay Argigixisada, isaga oo dunida ku booriyay in loo midoobo sidii loo daaweyn lahaa aafadaasi iyo sidii lagu soo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro kooxahaasi oo magac ahaan ka sheegay Daacish, Al-Qaa’ida iyo Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab waxaa uu sheegay in dowladda wax badan qabatay isaga oo u mahadceliyay AMISOM iyo taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka, Kheyre waxaa uu sheegay in cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran ay ka hor istaageyso in guul ka gaaro Al-shabaab, isaga oo ka hadlay in xukuumadda federaalka ah ay si fiican ula shaqeyneyso golaha ammaanka iyo hey’adaha arrintan khuseyso in Road Map-ka lagu socdo.

Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu sheegay in faqriga iyo waxbarasho la’aanta ay qeyb ka qaataan kororsiimaha xagjirnimada iyo in dhalinyarada laga faa’ideysto, waxaa uu soo jeediyay in waxbarashada maalgein lagu smaeeyo iyo in dhalinyarada helaan waxbarasho iyo xirfado ay nooli ku helaan isaga oo beesha caalamka ugu baaqay in arrimahaasi ay ku gacan siiyaan.

Dhanka isbadalka cimillada waxaa uu ka hadlay in ay dhibaato ka jirto taasi oo keentay abaar iyo in xoolihii dhintaan, inkasta oo dowladda barnaamijkeeda uu ka mid tahay arrintaas hadana waxaa uu sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale ku adkaatay wax ka qabashada, isaga oo soo jeediyay in dar-dargeliyo heshiiska cimilada ee Paris.

Mr. Kheyre waxaa uu ka hadlay gargaarka iyo sida New Dealka ay Soomaaliya uga faa’iday, waxaa uu ammaanay heshiiska Busan ee South Korea 2011-kii iyo sida dowladaha liita sida Soomaaliya ay heshiiskaas uga faa’ideen, waxaa uu soo jeediyay in kor loo qaado mab’ada isla xisaabtanka. Soomaaliya waxaa uu sheegay in wax badan ka qabatay musuqa sida in xukuumadda ay meel-marisay hindise sharaciyeedka la dagaalanka Musuqa. Dhanka Maalgelinta waxaa uu soo jeediyay in lacag iyo maalgelin lagu tashan karo loo helo AMISOM.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu beesha caalamka u sheegay in haweenka ay kaalin fiican ka galeen doorashadii Soomaaliya 2016-kii, golaha shacabka oo tiro ahaan ku lahaayeen 14% hadda waxaa ay ku leeyihiin 25%, ujeedkeena 30% ayuu ahaa, Kheyre waxaa uu sheegay in golihiisa wasiirrada ay ku jiraan 6 haween oo uu u dhiibay wasaarado ay ka mid yihiin:  dhalinyarada, caafimaadka, haweenka iyo gacacsiga, waxaa kale uu soo qaatay in uu magacaabay wasiirro dhalinyaro ah sida wasiirkii howlaha guud ee la dilay Cabaas Siraaje.

Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu ka hadlay in ay ka shaqeynayaan hagaajinta arrimaha la xiriira Xuquuqul Insaanka sida dhismaha guddiga xuquuqul insaanka, xeerka la xiriirka dambiyada jinsiga iyo in xukuumadda ay damaanad-qaad u hesho arrimaha xuquuqul insaanka marka la meelmarinayo dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Kheyre waxaa uu dalalka Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa u sheegay in qaramada midoobey loo sameeyay sidii xiriirka dalalka loo wanaaji lahaa, sidaa darteedna ay muhiim tahay in dal weliba uu ixtiraamo madaxbanaanida, qaranimada dalal kale gaar ahaan dowlad tabar daran sida Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, waxaa uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre taageeray islaaxa iyo dib u habeynta ururka qaramada midoobey lagu sameynayo, ururkan oo sida uu sheegay wax badan ka soo qabtay arrimaha nabadda iyo xasiloonida.

Goobjoog News,  Lama qaadan karo, Xigasho la’aan